Guddoomiye Ramaax Oo Shaqaalaha Dawladda Ee Gobolka Togdheer Uga Digay Inay Warbaahinta La Hadlaan

(Berbera news) Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa madaxda iyo shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee xukuumadda u qaabilsan gobolkiisa uga digay inay warbaahinta ka baahiyeen cabashooyinka ay qabaan, waxana uu tilmaamay inaan arrintaas loo dulqaadan Karin.

Guddoomiye Ramaax oo saxaafadda la hadlay, ayaa waxa uu caddeeyey inaan loo dulqaadan doonin cidkasta oo iyada oo shaqaale dawladeed ah lagu arko iyada oo warbaahinta dacwado ka gudbinaysa”Shaqaalaha dawladdu waa inay ka caaganaadaan Tv-yada la taagan yahay ee loo ashkatoonayo ee maxkamadda laga dhigtay, ciddii hawshaas ku dhaqaaqda iyada oo aan gobolkii la socodsiinina waa mid inaga reeban”ayuu yidhi guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan.
Dhawaan ayuu guddoomiye Ramaax xabsiga u taxaabay qaar kamid ah guddoomiye yaasha gobolka Togdheer oo saxaafadda mariyey farriimo cabasho u badan oo aanay kala tashanin.
Shirar kala duwan ayuu sidoo kale guddoomiyuhu la qaatay isu duwayaasha gobolka Togdheer u qaabilsan hay’adaha kala duwan ee qaranka, waxana uu ururka Saxaafadda iyo xubnaha saxafiyiinta ah ee gobolkaba ugu baaqay inay qayb ka noqdaan kulan uu sheegay inuu dhawaan la qaadan doono.
Berbera news.