Maxkamadda sare ee racfaanka oo joojisay ukun xabsi daa’in ah oo lagu xukumay madaxweynihii hore ee Masar

Masar-(Berberanews)-Maxkamadda sare ee racfaanka ee Masar, ayaa joojisay xukun xabsi daa’in ah oo lagu xukumay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi.

Maxkamadda ayaa amartay in dacwadda Morsi ee la xiriirta inuu la shaqeeyay ururo argagixiso oo shisheeye si loo sameeyo weerar dib loo bilaabo.

Toddobaadkii hore, maxkamadda ayaa joojisay xukun dil oo lagu xukumay Morsi dacwad kale oo la xidhiidhta xabsi laga baxsaday waqtigii kacdoonkii 2011.

Wuxuu wali u xiran yahay xukuno waqti dheer oo la xiriira laba dacwadood oo kale.

Morsi ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo si dimoqraadi ah loo doorto 2012-kii, laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga sanad kadib markii ay dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunkiisa._92602031_mediaitem92602027

Tan iyo markaas, masuuliyiinta ayaa bilaabay inay ka hortagaan xisbiga Morsi ee Akhwaan Muslimiinta oo la mamnuucay. Waxaa ku dhintay boqolaal qof iska hor imaadyo ciidamadda ammaanka iyo dadwaynaha, waxaana la xidhay kumanaan qof.

XigashoBbc