Suldaanka guud ee beelaha Habar-carfaan oo edo culus dusha ka saaray guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI

Hargeysa:(Berberanews)-Suldaanka guud ee beelaha Habar-carfaan ee gobolka Awdal Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayaa eedo  culus dusha ka saaray guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI, waxana uu tilmaamay inuu gadh-wadeen ka ahaa caddaalad-darro halkaas lagaga sameeyey Axmed Muumin Seed oo jagada madaxweyne-ku-xigeen xisbigaas uga sharraxnaa.

Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo isaga oo magaalada Borama ku sugan warbaahinta la hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu caddaalad-darrada shirkii golaha dhexe ee xisbiga ka dhex dhacday kala hadlay gudoomiye Cirro balse aanu waxba ka qabanin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “muddo dheer waxa socday ololihii xisbiga WADDANI oo aniga iyo beelaha aan hoggaaminayaa hawl laxaadle aan kasoo qabtay aniga iyo beelaha aan hoggaaminayaa, muddo laba bilood gudahood ahna aanu ku aragnay dariiq aan dariiqii ahayn, muddo baddana guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan cirro aanu ka wada hadalnay, arrintaas oo umaddu u arkayso mid baalmarsan mimuqraaddiyada iyo xisbinimada.”suldaan-dhawal

Suldaanku waxa uu shaaca ka qaaday in xubno dibadda ka yimi lagu daray xubnihii rasmiga ahaa ee golaha dhexe hore ugu jirey, taas oo uu dabada ka riixayey guddoomiye Cirro,“ugu dambayn saaka ayaanu aniga iyo Cirro telefoon ka wada hadalnay, waxana aanu ogayn in golaha dhexe ay yihiin, waxana aanu ka wada hadlnay waxanu haynnay in tirada golaha dhexe yihiin 451-qof, waxanuse xalay ogaanay in laga dhigay 629-xubnood, waxana aan guddoomiyaha ku idhi golaha dhexe ee daba-furanta ah ee haatan intaas maraya ee dadkii ay metalayeena ku olalaynayaan 451-ka maxay yihiin, waxana uu igu yidhi qurbe-joog baa loo furay iyo reer hebel baa loo furay, halkaasna waxa iiga caddaatay in dusha laga keenay tiro 200- ah oo ciddii la doonayey loosoo qorsheeyey.” Ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.

Waxa uu sheegay inuu guddoomiye Cirro godob taariikhi ah ka galay beelaha uu metelo, waxana uu tilmaamay inuu dhawaan qaban doono shir ay beeshiisu go’aan kaga gaadhayso  godobta loo tirinayo guddoomiye Cirro, waxana uu yidhi,“isaga oo hoggaankii xisbiga ah Cabdiraxmaan waxa uu go’aansaday inuu si cad oo badheedh ah beelaha aan hoggaaminayo ugu badheedho, beelahana waxan u sheegayaa inaan muddo 20-cisho gudahood ah shir  u qaban doono oo masiirkooda iyo magacoodaba aan ku ilaalin doono, waxana aanu sheegayaa inaanay iyaga waxba ka xumaanin.”

Suldaan Dhawal waxa uu sheegay in cidda beeshiisu godobta ka tirsanaysaa tahay guddoomiyaha WADDANI, waxana uu hambalyeeyey xubinta kusoo baxday kursiga madaxweyne-ku-xigeenka xisbigaas,“cidda wax samaysay waa Cabdiraxmaan Cirro iyo beeshiisa, ninka abtiga ii ah ee Maxamed Cali-na waan bogaadinayaa, tanina tii lagu farxayeyna tan ma ahee waa ta kursiga lagu tegi doono sidii uu cirro u maamulay ee uu u olaleeyey teeda ayaana iman doonta.” Ayuu yidhi Suldaan Dhawal.