Guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo faro-madhan kala hulleelay Shirwenyihii Xisbiga

Hargeysa (Berberanews)-Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Waddani, Axmed Muumin Seed ayaa Cadho Kaga Baxay Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga Waddani oo maanta kusoo gabagaboobay buuq iyo kala yaac.

Shir-gudoonka golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa markii ay guda galeen in loo codeeyo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi, waxay soo horaysiiyeen Musharax Maxamed Cali Cabdi, taas oo keentay in musharax Axmed Muumin Seed shirka ka baxo. Waxaana madashii shirka golaha dhexe ee xisbiga hadhaysay sawaxan, qaylo iyo kala yaac, Axmed Muumin Seed Gueoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Wadani ayaa Markii Uu Shirka Ka Baxay Warbaahinta U SHeegay Inay Jiraan Cadaalad Daro Baahsani.  Boqolaal qof oo suuqa lagaga urursaday kuwaas oo madasha loo geeyay si ay codkooda ugu shubaan murrashax Maxamed Cali oo taageero Mr. Muumin Seed Kaga Taageero badan yahay xubnaha rasmiga ah ee xisbiga ka tirsanaxmed-muumin-seed

Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa tiradoodu  caadiyan dhan tahay 251-xubnood, waxase dhacday maanta wixii shakiga iyo baqdinta laga qabay, taas  oo ah in murrashax Axmed Muumin Seed uu ku dhacay dabinkii kaadirka uu hoggaaminayo guddoomiye Cirro u maleegeen