Fure ka hadhay Markabkii Masiibadu ku habsatay ee Titanic oo lagu iibinayo Britain

Furihii qeybtii ay ku xareysnaayeen jaakadaha dabaasha ee Markabkii Titanic ayaa maanta oo sabti ah lagu iibinayaa dalka Britain.

Furahaasi wuxuu ka mid yahay waxyaabaha xusuusta ah ee ka hadhay musiibadii Titanic.

Furaha waxaa la filayaa in lagu iibiyo ugu dambeyn 35 kun oo dollar.

Waxaa sidoo kale la iibinayaa sawirka kabtankii markabkaasi, Edward Smith.

Kabtanka wuxuu ka mid ahaa 1500 oo qof oo ku dhimatay Markabkii Titanic oo badda ku degay 1912kii.

Markabka ayaa kala jabay kaddib markii uu ku dhacay Baraf weyn, xilli uu marayay koofurta badda Atlantic._92024263_c0bc8bba-9861-47b5-bfcc-4c1b1fbaac3c