“Aniga iyo Faysal waxaa isku kaaya diraya..” Cali-guray

Hargeysa-(Berberanews)-Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay sababta keentay in khilaaf ka dhex qarxo masuuliyiinta xisbiga UCID, sidoo kalena waxan uu eedaymo kulul usoo jeediyay gudoomiye Faysal Cali Waaraabe.

Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in maxkamad la gayn doono xisbiga isla markana lagu kala calaf qaadi doono go’aamada ay soo saarto maxkamadu waxaana u u yidhi.

“Aniga iyo Faysal waxa isku kaaya diray waxa weeyey alla waxa uu yidhi balanta hadaad qaadan oofiya hadii kalena ha qaadina aakhiro waa laydin waydiinayaaye, labadiisa dhagood waxay maqlaan Faysal hadalka ilaahay ayuu ugu neceb yahay, balanti uu Jamaal lagalayna wuu ka baxay dhamaan dadkii xisbiga UCID ahaa eek u yidhi balanka haka bixina waxuu yidhi waa mid aan xilka ka qaaday iyo mid aan eryey. In alaale inta uu laaluusha iyo lacagta siiyayna waa inta burburka xisbiga la wadaagaysa, arinka ugu culus ee meesha yaalaana maaha xilkayga ee waa musharaxnimada Jamaal”Sidaas ayuu yidhi Cali Guray Mujaahdi Cali Guray isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“Arinkan waxa uu galayaa maxkamad ama Faysal ha jeclaado ama yuu jeclaanae, go’aanka maxkamadana waa ku kalsoonaanayaa anigu waxkaste oo ay xukunto,Jamaal-na wax badan ayuu taray xisbiga,Markaa ninka hadalka ilaahay ka xanaqaya marka loo sheego eel eh quraanka alle dantay moog, maaha qof saxan”Sidaas ayuu yidhi Cali Guray.

Dhanka kale mujahid Cali Guray waxa uu ku tilmaamay inuu dabada ka riixayo burburka xisbiga UCID gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Bixii Cabdi waxaana uu yidhi.

“Goob fagaare ah ayuu Muuse ka yidhi Faysal baa musharaxa oo soo baxaya Jamaal musharax maaha, ninka madaxwayne doonayaana inuu umadda been u sheego isagoon madaxwayneba noqon maaha laba arinba ninkaa Muuse wuu ku dhintay waa mide waxa uu ahaa shakhsigii ka danbeyey burburka sandalada Subeer Awa lee gilgilay lkn wuu ku khasaaray waa ta kale Faysal waxa uu ula shuraakoobay wax haku taro isgaana burburka iyo khilaafka xisbigaba dabada ka riixaya muuse lkn isagaa ku lumi”Sidaas ayuu hadalkiisa kuso koobay Mujaahid Cali Guray.

Si kasteba ha ahaatee waxa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya khilaafka ka dhexeeya masuuliyiinat xisbiga UCID iyaga oo midba midka kale edaymo warbaahinta u marinaya ilaa hadana lama garanayo halka kuu saldhigan doono khilaafkaasi.