“Puntland Uma Baahna Ciidammo AMISOM Ah, Way Iskaga Filan Tahay Inay Iska Caabiso Al-Shabaab” Cabdiweli Gaas

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa sheegay in Puntland ay iskaga filan tahay Al-shabaab, isagoo xusay inuu kalsoon yahay inay deegaannadooda ka saari doonaan Al-Shabaab.

Madaxweyne Gaas oo Wareysi siinayay Idaacadda VOA-da waxa kale oo uu sheegay in dhaq-dhaqaaqyada ay Al-Shabaab ka billowday deegaanno ka tirsan Puntland ay tahay mid cusub oo aan hore loo arag, isagoo xusay in arrintan ay tahay mid ku cusub, maadaama buu yidhi Al-Shabaab ay markii hore ku sugnaayeen Buuraleyda Galgala.

“Warkaas war sax ah ma ahan, aniga ma aaminsani in dowladda federaalka ay masuul ka tahay waxyaabaha ay ku kacayso Al-shabaab, dagaallada aan kula jirno mid la mid ah ayayna kula jirtaa, wada-shaqeyn, in laga hortago Shabaab iyo in laga xoreeyo dalka oo dhan ayaanu isku hadaf ka nahay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Marka aniga ma aaminsani in arrintaas jirto, wax xaqiiqo oo aan u heyno ma jirto.” ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland, waxa uu intaas ku daray “Wasiir hadalkaas si toos u yidhi ma maqal, waxaase loo turjumay siyaabo kala duwan. Aniga Cabdiweli ahaan raggaas waxaan qabaa inay yihiin cadow Soomaaliyeed, mana kala jecla Soomaaliya, waa cadaw gobolka oo dhan shido ku ah iyo caalamkaba.” ayuu yidhi Dr. Gaas

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in aan xilligan loo baahnayn in la is eedeeyo, isla markaana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo, sidii meel looga soo wada jeesan lahaa hal cadaw oo ay leeyihiin, islamarkaana loo midoobo.

Cabdiweli Gaas oo la weydiiyay inay u baahan yihiin ciidamo kuwa AMISOM ka tirsan ayuu ku jawaabay. “Anaga AMISOM uma baahnin, Puntland way isaga filan tahay inay iska caabiso Al-Shabaab iyo wixii la mid ah. Dowladaha Caalamka waxaa kala hadalnay in Puntland la taageero, wixii taakuleyn oo la siiyo, sida AMISOM iyo ciidamada Somalia ayay Puntland xaq u leedahay. Al-Shabaabka Koofurta ku sugan iyo kuwa kuwa Galgala waa isku mid.”

Madaxweyne Gaas oo la weydiiyay tirada ciidanka duulaanka ku qaaday Puntland iyo halka ay ka yimaadeen, waxa uu sheegay inay ka yimaadeen gobollada dhexe iyo koofurta Somalia, balse aanu hadda wax ka ogayn tiradooda rasmiga ah.

 

Berbera news.