Xisbiga WADDANI Oo Xilkii Boobe Baneeyay U Magacaabay Cabdirashiid Xasan Mataan

Hargeysa (Berbera news) Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka Ah ee WADDANI Cabdiraxman Cirro, ayaa Cabdirashiid Xasan Mataan u magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga, kadib markii jagaddan uu banneeyay Boobe Yuusuf Ducaale.

Warsaxaafadeed Magacaabista Afhayeenka xisbiga ayaa u dhignayd sidan:

Ujeeddo Magacaabis Xil.

Markan dersey: Qodobka 28 aad ee Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay: Baahida loo qaba buuxinta jagada Xoghayaha War-faafinta

Markan La Tashaday: Xubnaha Hoggaankaa Xisbiga WADDANI

Marka Aan Ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Md Cabdirashiid Xasan Mataan

Maanta oo ay taariikhdu tahay March,9.2016 wuxuu hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan uu noqdo Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI

Waxaanu ilaahay uga baaryayaa in uu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI figrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimo iyo khibraadiisa u gaarka ah .

ALLAA MAHAD LEH

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”

GuddoomiyahA Xisbiga WADDANI