Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Oo Sheegay In Aanu Wadahadal Dhex-marin Isbaahaysiga KULMIYE

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland Xasan Guure Jaamac oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanu jirin wax wada-hadal ah oo u socda xubnaha isbaahaysiga xisbiga KULMIYE ee qaadacay shirkii golaha dhexe ee lagu doortay Guddoomiye Muuse Biixi.

hqdefault
 

“Weli ma jiraan wax wada-hadala oo na dhex maray isbahaysiga KULMIYE, wax jirana maaha aniga iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa maalin wada-hadalnay. Balse dee weli isbahaysiga KULMIYE si caadi umaanan wada-hadal anaguna fili mayo walina cid kumaanan biirin kun biiri mayno.” ayuu yidhi Gudoomiyaha madatasha wadatashiga Xasan Guure

 

Guddoomiyaha madasha wadatashiga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Anagu maanan damcin inaan xisbiyada mucaaradka ah ku biirno, lakiin xisbiyada mideeya ayaan islahayn mideeyaadii aan islahayna xisbiyadii mucaaradk ahaa ayaan iskugu tag waynay inay isku yimaadaan kana tashadaan ayaahooda lakiin maanta sadexda xisbi qaranba way noo siman yihiin ilaa hadana barnaamij siyaasadeed oo anu ku kala dooranana kumaanan arkin sadexda midna hadii uu so baxo xisbi barnaamijkiisa wax ka badalama.” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac

Waxaanu intaas ku daray “Anaga qudhaydu ma nihin niman iska socdee, waxaan nahay niman urur meel u taagan markaa hada u malayn mayno iminka madal ahaana inaan midna ku biiri doono kumana biirayno lakiin waa laga yaaba in qof naga midi uu ku biro waana uu ku biiri karaa oo xaq buu u leeyahay.”

 
Berbera news. Hargeysa