Boqorkii Sucuudi Carabiya oo Geeriyoodey

Riyadh(Berberanews)-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaaciyay in boqor Cabdallah Bin Cabdulcasiis uu ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Riyaadh, halkaa oo tan iyo bishii December looga daweynayay xanuunka oof wareenka ama kolba aaryo.

Waxa uu ahaa sagaashan sano jir, Waxaa dhaxlay walaalkii ay isku aabaha yihiin oo lagu magacaabo Salmaan.

Boqor Cabdalla ayaa xukunka la wareegay sanadkii 2005-tii, kaddib markii uu geeriyooday walaalkii ay isku aabaha ahaayeen boqor Fahad.