Nin Isku Dhexdilay Baarlamaanka Mareykanka

Washinton(berbera) Sabtidii shalay ayaa waxaa lasheegayaa in nin sitay boodh uu ku mudaaharaadayay
images (2)
Ninkan oo sitay boor ay ku qoron tahay “…Hala Canshuuro kooxda 1%…” ayaa gacantiisa isku toogtay xili uu ku sugnaa qeyb kamid ah xarunta Baarlamaanka.
Arrintan ayaa keentay in xaruntaasi gebi ahaan la xdho muddo ku dhaw 3 saac halkaasi oo ay booliiska baadhitaan ka wadeen.
Booliiska ayaa baadhay shandad uu sitay ninka isdilay iyo waliba gaadhigiisa, waxaana la sheegay in ninkan aanu wadan wax waraaqo aqoonsi ah.
Kooxda 1% ee uu ninkan doonayey in la canshuuro, Tujaarta ugu sareysa dalka Maraykanka oo la sheego inaysan bixin canshuur badan, halka dadka caadiga ah laga qaado canshuuro badan oo la degay dhaqaalahooda.
Tusaale qoyska Walton Family ee leh dukaanada Wal-mart ee dalka Maraykanka ayaa la sheegaa lix qof oo kamid ah Qoyskaasi inay ka lacag badan yihiin 100 milyan oo muwaadiniinta Maraykanka oo la isu geeyey.
Tujaarta Maraykanka ee tiro ahaan ka yar 1% shacabka Maraykanka ayaa la sheegaa in dhaqaalahooda oo la isu geeyey uu ka badan yahay guud ahaan Waxsoo saarka sanadka ee Qaarada Afrika, Australia iyo Latin America oo la isu geeyey.
Xiligii dhaqaale burburka ka dhacay dalka Maraykanka ayey dad badan banaanbaxyo ku qabteen xarumaha ganacsiga ee Wall Street ee magaalada New York, mudaharaadyadaasi oo loogu magacdaray (Occupy Wall Street).
Dhacdan uu ninku isku dilaya ayaa ah mid uu u ad keysan kari waayay cashuurta aan loo sineeyn .masuuliyiinta iyo baarlamaanka mareykanka ayaa wali ka hadal arrintaa taas oo ay kaga gaabsadeen in ayna ka hor dhicin baadhitaanka bolisku wado.