Masar: Qarax ka dhacay waqooyiga Sinai

Masar(Berbera) Qarax bambaano ayaa dilay shan askari waxayna dhaawacday saddex kale waqooyiga Sinai ee dalka Masar.
141029185139_egypt_sinai_512x288_afpgetty (1)
Gobolka ayaa waxaa ku soo batay weerarka mintidiinta ay ku qaadayaan ciidamada ammaanka. Mintidiinta ayaa dhawaan balanqaaday inay xiriir la yeelanayaan Daacish.
Dowladda ayaa balanqaaday inay jabin doonto mintidiinta, laakiin ilaa hadda wax guul ah kama gaarin.
Isbadal lagu samaynayo taliyaasha ciidanka la dagaalamaya argagixisada waqooyiga Sinai ayaa lagu dhawaaqay.