Madaxweynaha Somaliland oo Cayimay Wakhtiga ay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku dalka ka bilaabmayso

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Digreeto Madaxweyne ku shaaciyey muddada rasmiga ah ee ay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ka bilaabmayaan dalka, ka dib markii ay Guddiga doorashooyinka Qaranku u gudbiyeen Qoraal ay kaga dalbadeen in Madaxweynuhu shaaciyo sida sharcigu dhigayo muddada rasmiga ah ee ay u cayimeen bilawga diiwaangelinta.

MADAXWEYNE AXMED-SIILAANYO AFTAHANNEWS

Sida lagu Sheegay War-Saxaafadeed Xambaarsan Digreetada Madaxweynaha oo Fiidkan caawa ka soo baxday xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, waxaa lagu sheegay in Madaxweynuhu markuu dhinacyo badan ka eegay muhiimadda ay leedahay diiwaangelintu iyo xilliga ay u soo cayimeen Guddiga doorashooyinku uu go’aansaday in 21-ka bisha toddobaad ee sannadkan 2015-ka ay gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabanto diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinku.

Qoraalka War-Saxaafadeedkan Aftahannews heshay oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Xafiiska Warbaahinta ee Madaxtooyada Somaliland Naasir Yuusuf Daahir, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahayJSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007; Markuu Arkay:  Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah. Wuxuu Soo Saaray: Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015. ALLAA MAHAD LEH.”

Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa lixda bishii March ee sannadkan shaaciyey inay bisha toddobaad bilaabayaan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, Xisbiyadana ay sidaas isla qaateen, isla markaana ay dhammayn doonaan sida ay qorsheeyeen hawlaha diiwaangelinta bisha 11-aad ee isla sannadkan 2015-ka.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.