Hilary Clinton oo ah musharaxa madaxweynaha Mareykanka

Woshinton (berbera)Hilary Clinton xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqi doonto dhawaan inay u tartami doonto doorashada madaxweynenimada Maraykanka.
hilarey-clinton-500x360
Dad la shaqeeya xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa sheegay inay dhawaan ku sheegi doonto twitter inay doonayso inay tartanto, kadibna video ayay soo galin doontaa internetka iyadoo sheegaysa sababta ay u tartamayso.
Waa qofka ugu horeeya dadka u tartami doono xisbiga Demoqraadiga.
Madaxweyne Obama ayaa shalay taageeray Hilary Clinton wuxuuna sheegay inay noqon karto madaxweyne fiican.