Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo Iska Fogeeyay Eedeynta ah inuu Taageero Al-shabaab

Kenya(berbera) Sh. Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Soomaaliyeed, kuna jira 86-qof oo ay dhawaan dawladda Kenya kusoo rogtay xayiraad hntidooda, kaddib markii lagu eedeeyay inay taageeraan Al-shabaab ayaa iska fogeeyay inuu taageero kooxda Al-shabaab.
 Sheekh_Maxamed_Cabdi_Umal
Sh. Umal ayaa yidhi. “Waa wax aad loola yaabo in xukuumadda Kenya ay igu eedeyso inaan taageero Al-shabaab, ayna hantideyda xayirto. Arrintan aniga iska dhaafe qof kasta ayay yaab gelinaysaa, maxaa yeelay waa la og-yahay halka aan kala joogno aniga iyo Al-shabaab.”
 
“Anigu aad ulama yaabani in la igu eedeeyo inaan taageero kooxda Al-shabaab, maadaama aan ogahay inaan taageerin, nafteedana way og-tahay. Wax is-bedel ah ama saamayn ahna iguma yeelan doonto,” ayuu mar kale yidhi Sheekh Umal.
 
Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabadan ay qaaday xukuumadda Kenya ay iyada uun dhaawac ku tahay, maadaama ay iska eedeysay dad badan oo uu ku jiro oo aan wax shuqul ah ku lahayn Al-shabaab iyo wixii la mid ah.
 
Wadaadkan ayaa warbaahinta ka weerara Al-shabaab, isaga oo hore u  caddeeyay inaanu waxba ka jirin sheegashadooda ah inay ku jiraan dagaallo Jihaad ah oo ay ku difaacayaan diinta Islaamka.
 
Ugu dambeyn, Sheekh Umal ayaa ka mid ah culummo xarumo ganacsi ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Iyadoo hadalkiisan uu yahay kii ugu horreeyay uu jeediyo tan iyo markii ay Arbacadii Kenya xayiraadaha kusoo rogtay 86-qof oo Soomaali u badan iyo 13-xawaaladood.
 
Si kastaba ha ahaatee, dawladda Kenya ayaa dadka ay xayiraada kusoo rogtay ku sheegtay inay taageeraan Al-shabaab, iyadoo kooxdani ay weerarro badan ku qaaday Kenya, kuwaa oo uu ugu dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dishay 148-qof oo u badan ardaydii jaamacaddaa dhiganayay.
 
 
 
Berberanews