GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO DIIDAY ANSIXINTA MID KAMID AH WASIIRADII DHAWAAN LA MAGCAABAY DIBNA UGU CELIYEY MADAXWEYNE SIILAANYO

Hargeysa(berbera) Tan iyo intii Madaxweyne Siilaanyo mag-magcaabay Mudanayaal Cusub oo kamid noqda Golaha Wasiirada Xukuumadiisa waxaa maanta markii u horeysay Mudanayaasha aqalka wasiilada Somaliland ay dib ugu Celiyeen mid kamid ah Wasiiradii dhawaan Siilaanyo Magcaabay oo maanta golaha hor tegay si loo ansixiyo.
download (4)
Wasiirka Cusub ee ee goluhu Tuuray ayaa ah Wasiirkii loo magcaabay Wasaarada Warshadaha horena u ahaan jiray Maayarkii degmada Gebiley Shucayb kadib kolkii Gudoomiyaha Gudida khayraadka golaha wakiilada Dr Siciid Warsame Hubbani golaha horkeenay Warbixin ku Saabsan shakhsiyada, aqoonta iyo da’da wasiirka la diiday taaso kolkii goluhu dhegaystay loo qaaday Cod gacan taag ah islamarkaasina si aqlabiyad leh golohu uga gacan taagay ansaxinta wasiirkan.
Askarta Golaha wakiilada ayaa codka diidmada kadib waxay halkaasi Garbo duub iyo jujuub golaha ugaga Saareen Maayarkii hore Gabiley.
Qodobada Galaaftay Masuulkan ayaa kuwooda ugu Culusi ay ahaayeen kuwo isaga laftiisu kusoo qortay Gacantiisa una soo gudbiyey golaha waxaana waxyaabaha Shucayb Eeday kamid ahaa kadib kolkii laga akhriyey Cv-giisi uu golaha usoo gudbiyey Da’da ama Cimriga uu jiro ee usoo qortay oo noqotay fooqal Caqli aan cidina qaadan karin waxaana X-maayar Shucayb sheegtay inuu dhashay 1980 taaso sharciyan Xaaraan ah in golaha wasiirada Somaliland uu kamid noqdo qof da’diisu ka hoosayso 36jir, waxaa iyadu qayb ka ahayd waxyaabaha shucayb saaka ka reebay ragii mar lawada magcaabay goluhuna ansixiyey Jaamacadaikast aan jirin oo ninkani ku darsaday CV-giisa.
Sikastaba ha ahaatee waxaa goluhu warqada QABADKA ka dhigtay Shucayb u gudbiyeen madaxtooyada iyagoo u sheegay inaanu kani ka soconayn ee ku kale ay keenaan, islamarkaasina uu mudanaha la diiday shaqada xilka Wasaaradaasi aanu ka ag wareegin una hogaansamo dhawrida qawaaniinta qarankani leeyahay.
Isku soo wada duubo Mudane Shacay labada dhinacba noqoy mid seegay, Xilkii Maayarnimona noqoy mid madaxtooyada ka galaafatay, halkii loo diray iyana noqotay mida saaka laga Xaaraantimeeyey, dhanka kalena Da’dii mudane is yidhi diiday oo is yaree taasina noqotay mid qoomamo ku reebtay.