Niman Afka Duubtay oo ololiyay Studio ku yaalla Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Niman hubeysan oo wejiyada soo qarsaday, ayaa waxay dab qabadsiiyeen Studio heesaha lagu duubo, oo ku yaala xaafada Tokyo ee Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir

Nimankaasi, ayaa saqdii dhexe ee xalay batrool ku shubay Studiyaha oo ka sameysnaa jiingado, waxayna qabadsiiyeen dab, xilli uu dhex hurday milkiilaha Studiyahaasi, oo lagu magacaabo Maxamed Xersi.

Maxamed Xersi oo isku deyay in uu dibadda uga baxo gubashada Studiyaha, ayaa waxay nimankaasi ay ku khasbeen in uu gudaha ugu laabto, waxaana la tilmaamay in uu dabkaasi ku gubtay.

Dabka oo saamayn ku yeeshay timo jare iyo dukaamo ganacsi, ayaa waxaa ku soo baraarugay dadkii dhex jiifay, waxayna bilaabeen inay qayliyaan si loogu gurmado, waxayna taasi keentay in dadkii deegaanka isugu soo baxaan, sidaana ay ku cararaan kuwii wax gubay.

Maxamed Xersi, ayaa laga soo saaray Studiyihiisii, xilli uu si xun ugu gubtay dabkaasi, waxaana dhaawaciisii la dhigay Isbitaalka Madiina, halkaasoo wax looga qabanaayo xaaladiisa caafimaadeed.

Studiyaha la gubay, ayaa waxaa lagu magacaabaa (Studio Laki), waana mid ay wada garanayeen dadka deegaanka. Maamulka Degmada Hawlwadaag iyo laamaha ammaanku, wax war ah kama aynaan soo saarin