Gabadh aan la aqoonsan oo maydkeeda laga helay Xeebta Liido

Muqdisho-(Berberanews)-Gabadh dhalinyaro ahayd oo aan la aqoonsan, ayaa waxaa maanta meydkeeda laga helay Xeebta Liido, oo ku taala Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Gabadhaasi, ayaa waxaa jidhkeeda ka muuqanaayay calaamado muujinaaya in si badheedh ah loo dilay, waxaana meydkeedii la dhigay Isbitaalka Iqra ee Degmada Xamar Weyne.

Maamulka Isbitaalka Iqra, ayaa Saxaafadda u sheegay in meydka gabadhaasi ay soo gaarsiiyeen niman dhalinyaro ah, ayna ogaadeen in gabadhaasi la dilay.gabadh

Waxay sheegeen inaanay garanayn magaca gabadhaasi, laakiin cidii ay gabari ka maqan tahay waxay ku wargeliyeen inay meydkeeda ugu soo hagaagi karaan Isbitaalka Iqra ee Degmada Xamar Weyne.

Maamulka Degmada C/casiis iyo Taliska Saldhiga Booliska ee Degmaaasi, ayaan ka hadlin gabadha maanta meydkeeda lagu arkay Xeebta Liido.

Liido waxay caan ku tahay in laga helo meydadka dadka ay baddu la tagto, laakiin horey loogama baran in si bareer ah hablaha loogu dilo.

Berberanews.com