“Doorasho wakhtigeedii lama gaadhin, Ninka wadwadaana waa nin kicin wada” Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa(Berberanews):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hadal-haynta iyo walaaca ay Xisbiyada Mucaaradka ahi ka muujinayeen toddobaadyadii u dambeeyey dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada iyo Qorshe ay ka digeen in Xukuumaddu waddo oo ay doorashooyinka dib ugu riixayso si ay Golaha Guurtida Muddo-kordhin uga hesho Madaxtooyadu.

Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa waxay ku baaqeen haddii dib u dhac ku yimaaddo doorashada inaan muddo-kordhin Guurtidu u samaynin Golaha Fulinta (Xukuumadda ama Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka) iyo Golaha Wakiillada, isla markaana ay tahay in la kala diro oo la sameeyo Xukuumad dalka doorasho gaadhsiisa marka wakhtiga sharciga ah ee ay kuraasta ku fadhiyaan ka dhammaado 26-ka June ee badhtamaha sannadkan 2015-ka.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo Salaasadii Maanta Saxaafadda qaarkood kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay waxa hadda Mucaaradku ku dawakheen ee ay ka hadlayaan wakhtigeedii la joogin, isla markaana aanay jirin illaa iyo hadda wax Golaha Guurtida ay u soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka iyo Madaxweynuhu toona. Balse haddii doorashada wakhtigeeda la qaban kari waayo lagu dhaqmayo Sharciga iyo Dastuurka Qaranka u yaalla, oo ah ama dhigaya muddo-kordhin haddii doorashadu duruufo cad oo la isla qaatay awgood ay u qabsoomi waayaan.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sheegay in ninka wad-wada doorashada iyo ka hadalkeedu yahay nin kicin wada, Saleebaan oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Doorashooyinka waxan ka odhan lahaa; doorashooyinka ninka maanta wadwadaa waa nin kicin wada, doorasho maanta ma joogto, marka la gaadho wakhtigeeda haddii la qaban kari waayo, markaasay leedahay ka tasho. Laakiin, maanta waxan aan arkayaa ee lagu waashay aniga iima taallo, Golahanna uma taallo, waxaa nu arkayaa uun nin wax duqlaalinaya iyo nin leh codkaaga halla maqlo.”

“Halla gaadho, haddii la qaban kari waayo markaa Qaranku waa tashanayaa, waddadiisana waa yaqaannaa Qaranku. Qaranku Dastuur buu leeyahay, Sharciyad buu leeyahay, Dastuurkaas iyo sharciyadda Qaranka u taal ayuun baa loo raacayaa, ninkii wax kale ku riyoodaa isagaa Cirka Caano ku og, maxaa looga qabayaa Saska.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu sheegay in marka ay Guddiga doorashooyinka iyo Madaxweynaha dhankooda hawshu ka soo dhammaato uun inay Gole ahaan u soo gudubto, waxaanu yidhi; “Guddigii doorashadu annaga waxba nama odhan, Madaxweynihi waxba nama odhan, maxaa annaga afka nalooga qoryo-qoryeynayaa. Marka xaggaa ay ka soo dhammaato ayuun bay timaaddaa Guurtida ee halla gaadho.”

Berberanews.com

info@berberanews.com