Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Oo Ka Hadashay Eedo Loo Jeediyay

Hargeysa (Berbera news) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinayradda iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar ay Warbaahintu baahisay oo sheegay in Wasaaraddu Garoonka dhalinta ee Xarunta Agoomaha Magaaladda Hargeysa.
 
 
 
 
Agaasimaha oo maanta Warbaahinta la hadlay, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Arintaasi waa mid aanu maalmahan ba ka arkaynay Warbaahinta,Garoonkaasi waxa weeye Garoonka Caruurta Agoonta ahi ku ciyaarto, Caruurta Xaafadda oo dhana runtii way la wadaagtaa, waana dhawr garoon oo iskugu jira Kubadda kolayga,Kubada Cagta iyo Garoonka weyn ee hadda la hagaajinayo, waxayna arintaasi(Iibinta Garoonka) ila tahay inaanay waxba ka jirin.In loo hagaajiyo oo loo qurxiyo oo loo dhiso mooyee wax laga xumaynayaa runtii ma jirto” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.
 
 
 
 
Geesta kale Agaasimaha Ciyaaraha ayaa tilmaamay in wakhti dhaw garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium la dhigayo Doog. Waxa uu sheegay in Shirkadda Qandaraaska qaadatay keentay Dalka Doogii islamarkaana Garoonka ka wado qiimayntii, dhawaana loo qabanayo munaasibada dhagax dhiga.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.