Dadka riyadooda garta oo ku fiican xalinta mushkiladaha

Cilmi-badhayaal ka socda Jaamacadda Lincoln ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in dadka riyadooda garta yihiin qaar khibrad u leh, kuna fiican xallinta mashakilaadka nololeed ee la soo darsa amma ku xeeran.

Khubaradu waxa ay xuseen in dadka garta inay riyoonaayeen iyagoo hurdo fiican ku jira ay dhibaatooyinka xallinteeda ku fiican yihiin, marka loo eego kuwa garan waaya waxyaabaha ay ku riyoonaayeen iyo inay riyoonaayeenba markay toosaan.

Arrintan waxa culimadu ku sababeeyeen in dadka riyadooda yaqiinsada yihiin qaar indheer-garad ah oo meel fog wax ka arka, isla markaana si fiican u xallin kara dhibaatada loo xilsaaro maarayntooda, maskaxdooduna leedahay dareemo badan oo ay ogaan karto xilliyada hurdada waxay ku mashquulsan tahay.

dream

Khubaradu waxay sheegeen in awoodda noocan ah qofka u saamaxdo in dunida caadiga ah uu ka noqdo mid mashaakilaadka dadka xallin kara, hoggaankana u qabta in dhibaatooyinka u xeeran xal waara loo helo.

Daraasaddan oo lagu daabacay jariirada American Psychological Association, ayaa khubaradu baadheen xidhiidhka ka dhexeeya indheer-garadnimada iyo in qofku garto riyadiisa.

 

“Waxa la rumaysan yahay haddii qofku garto riyadii uu ku riyoonayey waxy sidoo kale awood u yeeshaan in wixii tegay uu xasuusto, taasina keento awood dheeraad ah oo qofkaas u saamaxda inuu dhibaatooyinka xal u helo.” Sidaa waxa yidhi Dr. Patrick Bourke oo ka tirsan culimada cilmi-baadhistan diyaariyey.

Waxa lagu baadhay daraasadda 68 qof oo da’doodu u dhexayso 18 iyo 25 jir oo xaaladdan ku jira, riyooyinkoodana aqoonsaday oo dhawr bilood baadhitaan lagu hayey, waxana aakhirkii laga codsaday inay 30 mushkiladood xalliyaan si indheer-garadnimadooda loo tijaabiyo, kuwaas oo dhammaantood ku guulaystay.