Qoomiyad dhaqan u leh marka hoggaamiyahoodu dhinto in maydkiisa lala aaso todoba madax

Logos (Berberanews)-Cabsi aad u badan ayaa ku faaftay dalka Nigeria ee galbeedka qaaradda Afrika, gaar ahaan Gobolka Logos, kadib markii uu geeriyooday hoggaamiyaha qabaa’ilka Olu of Ikeja ee qoomiyada Hausaha, kaasoo dhaqan ahaan loo baahan yahay in maydkiisa lala aaso 7 madax oo bani’aadam ah.

Qoomiyadan ayaa aaminsan haddii toddobadan qof madaxyadooda lala aaaso hoggaamiyahooda oo ay u yaqanaan Oba in ay aakhiro ugu adeegayaan, uguna shaqaynayaan, arrintaasoo ah jaahilnimo aan wax raad ah ku lahayn diinta islaamka.

Hoggaamiyaha qabiilka Olu oo la odhan jiray Oba Rauf Adeniyi Aremu Matemi, ayaa geeriyooday Arbacadii toddobaadkan, kadib markii muddo kooban uu xannuun hayey, waxaana waqtigan la qorshaynayaa aas dhaqameedkiisa oo cabsi badan abuuray, maadaama la doonayo in toddoba qof oo kale la khaarajiyo si madaxyadooda loo raaciyo aaska hoggaamiyahooda dhintay.
late_oba

Dhammaan ganacsiyada iyo dukaamada magaalada Ikeja ee gobolka Logos ee wadanka Nigeria, ayaa albaabada loo xidhay si loo muujiyo in ixtiraam loo hayey saldannada ninkan hoggaaminayey, iyadoo haweenka iyo xubnaha qoomiyada Haousa ay isugu urureen qasri-dhaqameedka looga talliyo si ay u muujiyaan qiimaha uu ku lahaa dhexdooda hoggaamiyahan ka geeriyooday, waxaana ka muuqday madasha baroor-diiqda hoggaamiyayaal dhaqameed xidhnaa dhar cad cad oo dhaqankooda dhigayo.

“Waxa jira waxyaabo dhaqameed oo loo baahan yahay marka uu dhinto Oba, tusaale ahaan kuma dhawaaqno dhimashada boqorka oo wargeysyada kuma qorno,” ayuu yidhi mid ka mid ah cuqaasha sarsare ee qoomiyadaas.

Kooxaha xuquuqal-insaanka ayaa ka digay in dadka magaalada Lekja ee dalka Nigeria ku nool in aanay habeenkii bixin, maadaama looga cabsi qabo dadka nugulka ah in la laayo, gaar ahaan dadka danyarta ah si inta madaxa looga jaro loo raaciyo maydka hoggaamiye-dhaqameedka dhintay.

Xubno boqortooyada qoomiyadan ka tirsan ayaa habeenkii gaaf wareega magaalada dhexdheeda ilaa inta laga helayo madaxyada toddobada qof ee boqorka lala aasaayo, waxaana dadka degaankaas lagula taliyey in ay goor hore hoydaan, isla markaana guryahooda habeenkii gudaha ugu jiraan.