LIISKA 23-KA LAACIB EE TALYAANIGA UGA QAYBGELAYA KOOBKA ADDUUNKA

Cayaaro-(Berberanews)-Laacibiinta Giuseppe Rossi, Mattia Destro, Christian Maggio iyo Andrea Ranocchia, ayaa safka hore kaga jira liiska ciyaartoyga laga saaray 23-ka laacib ee xulka Talyaaniga uga qaybgeli doona koobka adduunka.

Waxa kaloo iyana ka maqan Pasqual iyo Montolivo oo dhaawacmay, balse waxa markii u horraysay xulka looga yeedhay Verratti, Darmian, Parolo, Perin, Insigne iyo laacibiin kale. Waa kan liiska oo dhammaystiran:

Goolka: Buffon (Juventus), Perin (Genoa), Sirigu (Paris St. Germain).

Difaaca: Abate (Milan), Barzagli (Juventus), Bonucci (Juventus), Chiellini (Juventus), Darmian (Torino), De Sciglio (Milan), Paletta (Parma).

Dhexda: Aquilani (Fiorentina), Candreva (Lazio), De Rossi (Roma), Marchisio (Juventus), Thiago Motta (Paris St. Germain), Parolo (Parma), Pirlo (Juventus), Verratti (Paris St. Germain).

Weerarka: Balotelli (Milan), Cassano (Parma), Cerci (Torino), Immobile (Torino), Insigne (Napoli).

xulka-Talyaaniga