Qaabka Qofku u Qoslo oo Laga Dhex Dheehan Karo Shaqsiyaddiisa

Cilmi-baadhis lagu diyaariyey Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, ayaa lagu soo bandhigay in qaabka qofku u qoslo markuu faraxsan yahay ay tilmaan ka bixinayso shaqsiyaddiisa iyo awoodda uu bulshada ku dhex leeyahay.

Sida lagu daabacay shabakadda MailOnline, waxa daraasadda lagu sheegay in sida qofku u qoslo laga dhex dheehan karo shaqsiyaddiisa, gaar ahaan awooddiisa, caajisnimadiisa, daacadnimada, in sirta lagu aamini karo iyo hab-dhaqankiisa gaarka ahba.

qosolka

Tusaale ahaan, waxay daraasaddu iftiimisay qofka markuu qoslo haddii aannu dhaqaajin xiribbihiisa ama timaha indhaha ka sarreeya in taasi muujinayso inuu yahay qof awood leh, halka haddii xilliga qoslka uu sare u qaado xiribbihiisa tilmaan u tahay in qofkaasi yahay mid caajisnimo badan.

Waxa kale oo daraasaddu muujisay xilliga qofku qoslayo hadduu cirka eego ama sare u taago wejigiisa ay taasi caddayn u tahay inuu yahay mid ciyaar badan, kaftankiisa iyo dheeldheelkiisuna aannu xad lahayn, arrintaasoo daliil looga dhigtay in indhuhu yihiin daaqada laga arko shaqsiyada qofka ama waxa naftiisu ku hawlan tahay.

Cilmi-baadhista la sameeyey, ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dhoolacadaynta afka la kala qaado ay muujinayso in qofkaasi yahay mid qalbi jilicsan oo dadka la qaybsada shucuurtooda iyo dhibka jira, halka sidoo kale qofkaasi yahay mid farxada iyo wanaagana la qaybsada dadka kale.

Ibraahin KhadarSiciid