China oo sheegay inay Gubayaan Maydka Gabadh Soomaaliyeed

Beijing(Berberanews)—Dalka China ayaa sheegtay inay gubi doonto maydka gabadh Somali –yad ah oo qaxooti ahayd oo dhowaan dalkaas ku geeriyootay hadii aan laga dhoofin.

Ninka gabadhan qaba oo ay idaacada VOA-du waraysatay, ayaa sheegey inay gabadhaas oo u geeriyootay xanuun bishan 5-teedii, ay dawlada dalkaasi ku wargalisay inay gubi doonto maydka gabadhan hadii mudo 5 maalmood oo kabilaabanta shalay oo Axad ahayd hadii dalka maydkaas lagaga dhoofin waayo.

Ninka qabay gabadhan ayaa sheegey inay Somali –da dalkaas ku dhaqan ay isku tageen oo lacagtii maydka gabadhiisa dalkaas lagaga soo dhoofin lahaa oo $35,000  ah inay ilaa iminka usoo ururiyaan $11,000 oo kamid ah. Ninku wuxuu sheegey inay kaalodaas qacanta ku hayaan gudoomiyaha jaaliyada Somali –da dalkaas ku dhaqan.

Qoyskan oo halkaas isku guursaday ayaa ka tirsan qoysas qaxooti ah oo hay’ada UNHCR gacanta ku hayso.