Haweenay ay Isku Magac Ekaadeen Al-qaacida oo loo Diiday inay Maraykanka Gasho

Qubane-(Berberanews)-Haweenay u dhalatay dalka Faransiiska oo damacsanayd in iyada iyo qoyskeedu fasax ku qataan dalka Maraykanka, ayaa loo diiday inay gudaha u gasho dalkaas, kadib markii magaceedu u dhawaaq ekaaday magaca shabakadda aragagixisada ee Al-qaacida.
Gabadhan oo la yidhaa Aida Alic waxay qoyskeedu  gaadheen Madaarka Geneva ee dalka Switzerland maalintii Arbacada ee toddobaadkan, iyadoo damacsanayd inay fasax ku tagto Maraykanka, balse waxa lala socodsiiyey in aan loo ogolaan doonin inay gasho Maraykankanka, magaceeda oo u dhawaaq eeg koox argagixiso, gaar ahaan Al-qaacida.haweenay
Haweenaydan ayaa saraakiisha diyaaradda Swiss Airlines la socodsiiyey in la diiday inay gasho dalka Maraykanka, iyadoo gabadhaas ay qasab ku noqotay inay duullimaadkeeda iska joojiso, dibna ugu noqoto  dalkeedii hooyo ee Faransiiska.
“Wax sharraxaad ah ma jiraan, laakiin Alic Aida waa sida Al-qaacida,” ayey u sheegtay mareegta Faransiiska laga leeyahay ee Dauphine Libere.