Cilmi-Baadhis Lagu Ogaaday In Culeys Maskaxeedka Stress Uu Keeno Hergab Joogto Ah

Cilmi-baadhis caafimaad oo dhowaan la soo bandhigay ayaa lagu caddeeyey in culeys maskaxeedka loo yaqaan “stress” uu sabab u noqdo hergab joogto ah iyo cabudh badan oo ku dhaca qofka nolol maalmeedkiisa ku jira stress.

 345madax-150x150

345madaxKhuburada caafimaadka ee cilmi-baadhistan soo saartay ayaa waxa ay caddeeyeen in qofka marka uu wajaho xaalad stress ah in uu hoos u dhaco dareenka difaaca jidhkiisa, hoos u dhacaasi oo sabab u noqda in jidhka qofku iska difaaci waayo vayruska keena hergabka.

 

Cilmi baadhistan oo khuburo ka tirsan dalka Mareykanku ay ku soo bandhigeen warsidaha PNAS ayaa intaasi ku sii dartay in tijaabooyin kala duwan oo laga qaaday ilaa 276 qof oo caafimaad qaba lagu ogaaday in qofka stress-ka qaba uu si fudud u qaado fayruska keena hergabka.

 

Dhinaca kale cilmi-baadhis caafimaad oo iyadana ay sameysay dhowaan Jaamacadda loo yaqaan Yale University of School of medicine ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay dareen kale oo welwel leh, kaddib markii khuburadu isku keeneen warbixino laga soo uruuriyey ilaa 1,433 qof oo bukaan ah, taasi oo muujineysa khatar kale oo la sheegay in raajada ay isticmaalaan dhakhaatiirta ilkaha ee la saaro daamanka ama dhafoorada dadka in ay keeni karto canserka ku dhaca qanjidhada maskaxda.

Diyaariye:C/qaadir Ismaaciil Askar

askars4@hotmail.com

berberanews.com