CAAJISNIMADA BADAN OO LA OGAADAY INAY SABAB U TAHAY SUUSKA KU DHASHA ILKAHA

Caajisnimada ku dhacda ragga da’da dhexe ah, ayaa la ogaaday inay sababto suuska halista ah eek u dhaca ilkaha, marka loo eego ragga firfircoon sida ay daboolka ka qaaday cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen koox ka tirsan Dugsiga Caafimaadka ee Honover Medical School ee dalka Jarmalka.

Cilmi-badhayaashu waxay ifiyeen in suuska dadkan casriga ah ku dhaca uu la xidhiidho jimicsi la’aanta ragga da’doodu u dhaxayso 45 ilaa 65 jir, kuwaasoo badankoodu fadhiga ku shaqeeya.

download (3)

Daraasadan oo laga qaaday 72 nin oo caafimaad qaba oo aan wax jimicsi amma ciyaaro ah ka qaybqaadan, kuwaasoo si joogto ah inta badan u fadhiista goobahooda xafiiska, waxaana soo baxday in suus ku dhasho ilkahooda, kaasoo ku keena xannuun halis ah oo ilkaha ka daadiya, ciridadana xanuunjiya.

Daraasad hore ayaa sidoo kale ifisay dadka sida joogtada ah u jimicsada ay noloshoodu tahay mid caafimaad ku waarta, taasoo 40% ay ka badbadaan cudurrada ku dhaca ciradka.

Dr. Nigel Carter oo ah madaxa Hay’adda Caafimaadka Ilkaha Ingiriiska (British Dental Health Foundation) ayaa cilmi-baadhistan u isticmaalay inuu dadka xasuusiyo faa’iidada caafimaadka afka.

“Dadku waa inay daryeelaan caafimaadka afkooda iyo ka jidhkoodaba, cilmi-baadhistana waxay ifisay dadka khatarta ugu jira inay cudurrada afka qadaan, waana inaad ilkahaaga ka shaqaysa, jimicsigana badsata,” ayuu yidhi Dr. Carter.

Diyaariye:C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

berbernews.com