Shinida oo laga helay Sun awood badan oo lagu dili karo Jeermiska HIV AIDS

(Qubanaha berberanews)Baadhis Cilmiyeed oo dhowaan uu soo bandhigay Macadka Caafimaadka ee Jaamacada Washington ayaa waxaa lagu sheegay dareeraha shinida ay sii deyso marka ay qaniinnayso Bani Aadamka ee Venom laga dhex halay sun awood badan oo dili karta Jeermiska Cudurka Dilaaga ah ee HIV AIDS, waxaana suntaasi lagu magacaabaa “melittin” wax dhib ahna uma gaysanayo unugyada jirka ayaa lagu yiri Daraasada.

bee (1)

Cilmibaadhayaasha ayaa intaasi ku daray in ay gooni u sooceen Sunta Melittin islamarkaasna ay ku howlanyihiin sidii ay ugu dhigi lahaayeen dareero sida Jel ka ah oo la marin karo xubnaha taranka Haweenka si looga hortago faafida Jeesmiska HIV ga, hadii lagu guulaystana waxaa raja badan laga qabaa in ay gacan badan ka gaysato ka hortaga HIV ga gaar ahaan meelaha sida daran uu u dilooday.

”Rejadeena waa in dadka ku nool meelaha HIV ga uu ku badan yahay ay u isticmaalaan ka hortag si ay u joogsato faafida Jeermiska” sidaasi waxaa yidhi Joshua L. Hood oo ah barre dhinaca baadhista daawada ah oo ka mid ahaa Cilmibaarayaasha soo helay Daawadaan cusub.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in marka ay ku guulaystaan qaabka dareeraha ah ee sida jeelka oo kale ah ee ay ugu talagaleen in haweenka ay marsadaan xubinta Taranka ka hor galmada ay soo saari doonaan qaabab kale oo sida sharoobada iyo irbadaha xididada laga qaato oo kale ah kuwaas oo ay ugu talagaleen in ay qaataan dadka qaba jeermiska HIV ga.

Waxaana ku hanweynahay in muda kadib uu jeermiska ka baxaayo dhiiga qofka oo mar kale ay soo noqonayso rejada qofka positive HIV ga ah laakiin waxaas oo dhan waxaa ka horeeya in marka hore la sii hormariyo qaababka loo adeegsan karo Muhiimadeena koowaadna waa in la helaa qeybta ka hor taga si loo joojiyo faafida Jeermiska ayuu yidhi.

Waxaa uu intaasi ku daray in Melittin ay daawo u tagay dhamaan Cudurada ku faafa dhinaca galmada iyo gaar kale oo ay ka mid yihiin hepatitis B and C oo dhamaantood ay dilayso iyadoo aanan waxba u dhimin jirka intiisa kale.

Haddii lagu guulaysto dawadan cusub waxa ay noqonaysaa tii ugu muhiimsaneyd ebed ee lagula tacaalo Jeermiska loo caalwaayay ee HIV AIDS..

Diyaariye:C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

berberanews.com