Kooxda Roma oo dooneysa weeraryahanka kooxda galbeedka London ee Chelsea

Weeraryahanka Chelsea Demba Ba ayaa dalab ka helay kooxda Roma inkastoo Arsenal ay sii wado xiisaheeda ay ku dooneyso in bisha January ay kula soo wareegto xidgan,.
349697_heroa-540x374
 
Ba ayaa ku biiray kooxda Chelsea isagoo ka soo tagay Newcastle bishii January ee la soo dhaafay, laakiin waxa uu ku guul dareystay in uu boosjoogta ah ka helo midkood Rafa Benitez ama Jose Mourinho.
Wakiilada xidigan caalamiga ah ee reer Senegal aya la xidhidhay kooxda ka dhisan Serie A dalka Talyaaniga, taasi oo laga yaabo in ay diyaar u tahay in ay la wareegto 28 jirkan.
Blues ayaa dooneysa 15 milyan oo gani hadii Ba laga qaadanayo, taasi oo an wax ka yar intii ay ku soo iibisay sanad ka hor, laakiin Roma ayaa u muuqata in ay bixi karto qiimahaas.
Dhinaca kale Arsenal ayaa xiiseyneysa Ba waxana ay doneysaa in bisha January ay soo qaadato si ay ugu xoojiso weerarkeeda aadka u jilicsan.
Laakiin lama hubo in tababare Jose Mourinho uu xidigan ka baayaci karo koox ay isku Magaalo ka dhisan yihiin sida Arsenal oo kale oo ay aad u ficitamaan.