Shirkadda AMAZON Oo Macaamiishiida Uhindistay Qalab yar Oo Gurigooda Ugu Geeynaya Allaabada ay iibsadaan!!

Shirkadda weyn ee laga dukaameyso ee dalka Maraykanka ee AMAZON ee ku caan baxday in dhanka qadka internet-ka ay dadka ka iibsadaan badeecooyinka ayaa biloowdey mashruuc curin iyo cirbixiyeenimo ku dheehantahay kaasi oo shirkadda ay adeegsanayso suxuuta duusha si macaamiisha alaabaha ay iibsadeen guryahooda loogu geeyo.
.1385949215000-AmazonPrimeAir
Suxuuntani duusha waxa ay alaabaha geyn kartaa  masaafo illaa 16km u jirta halka ay ku taalo xarunta ay ka duushey, waxayna qaadi kartaa illaa 2 kiilo garaam sheey dhan, taasi oo ka dhigan wax ka badan boqolkiiba sideetan alaabaha ay iibiso shirkadda AMAZON.
Sida uu sheegey Jeff Bazon oo ah agaasimaha AMAZON, suxuuntani duusha waxa ay shirkadda ka saacidi doontaa in ay qafiifiso cufka iyo culeyska ka jira daabulista badeecadaha oo haatan loo adeegsado gaadiidka xamuulka oo isaga saacado baddan ay ku qaadato in alaabata dadkii lahaa ay gaadhaan, sababtuna tahay saxmadda ka jirta waddooyinka, balse suxuuntani ay nusa saac ama 30 daqiiqo oo kaliya ayay ku qaadanaysaa in sheeyga ay geyso meeshii loogu talogalay.
Waxaase jira caqabado hortaagan Mashruucani suxuunta duusha ee shirkadda AMAZON, Waxaa ka mid ah dowladda Maraykanka laanteeda duulista hawada sare oo ay marka hore tahay in ay ansixiso in ay hawada isticmaali karaan, waxaa kale oo jira walwal durba laga qabo in la toogan karo suxuuntani ama ay jabsan karaan dadka u baxdoobay jabinta dhatada kumbuyuutaradka,
taa oo ay wado shariikadu in ay helaan dhaatada wax u xafida si ay macmiishu allaabadooda ku dhiiradaan si adeegaasi u hirgalo .
hadii ay dawladu laanteeda socdaalku ay ka helaan ogolaashaamazon-prime-air-6-640x300 amazon-PrimeAir-30minutes-drone-delivery-in-5-years-is-more-like-a-marketing-stunt-or-christmas-wish-coolstuff4vip-com