Laacibka iyo Tababarihii ugu Wanaag sanaa bishii November Premier League oo lagu dhawaaqay

Tababaraha kooxda Newcastle  Alan Pardew ayaa loo magacaabay tababaraha bishii November ugu fiicnaa Horyaalka Premier League kaddib markii kooxdiisu ay adkaatay dhaam 4 ciyaarood oo ay dheeshay horyaalka.
article-0-19E5EF9400000578-332_634x421-540x358
 
Sidoo kale Goolahayaha kooxdaasi Tim Krul ayaa isna loo magacaabay laacibkii ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay horyaalka England Premier League.
Tim Krul ayaa jaa’isadan ku mutaystay markii uu si fiican u dheelay ciyaartii 1-0 uga adkaadeen kooxda Tottenham markaasi oo uu kooxda badbaadiyay ilaa iyo 14 fursadood oo goolal loo filan karay.
Inkastoo Newcastle United laga adkaaday kulankii ugu horeeyay Bishan hadana waxa ay ku raaxeysaneysaa kaalinta 7aad ee horyaalka Premier League iyadoo kooxda ku jirta booska 4aad ay ka sareyso 3 dhibcood.