Macaamiisha ugu badan ee Facebook waxaa ay ku sugan yihiin Africa iyo Asia

Qubanaha (berberanews) Shirkadda Facebook ayaa sheegtay macaamiisheeda ugu badan in ay ku sugan yihiin qaaradaha Africa iyo Asia,  isticmaalaa Facebook.

 

Warbixin laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Facebook, ayaa waxaa ay sheegtay 28 Milyan oo qof oo ku sugan Africa iyo Asia in ay isticmaalaan Facebook, taasoo u dhiganta 56% dadka isticmaala guud ahaan Facebook.

 download

Madaxa shirkadda Facebook ee qaaradda Asia, Jonathan Lapin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dubai wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay Asia iyo Africa in ay helaan mudnaanta koowaad ee Facebook.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay 33% dadka in ay ka isticmaalaan Facebook dhanka Mobile-ka, iyadoo 15 Milyan ay yihiin kuwa maalin walba booqda Facebook.

Warbixintu waxa ay kaloo sheegtay in maalin walba ay ku soo biiraan dadka ciwaanada ka sameysanaya ay gaadhaan kumaakun shaqsi oo cub kana soo jeeda labadaa qaaradood ee ay warbixintu xustay .

Jaamacadda ABRIDAYN ee dalka Ingiriiska, quburo ka tirsan ayaa shaaca ka qaaday cilmi baaris in ay ku sameeynayaa biyaha bada si dawo looga soo saaro.

 

Kooxdaan Cilmi-baarayaasha ah ayaa lagu wadaa inay bilabaan inay dawo kasoo saaraan biyaha badda hoostooda. Mashruucaan ayaa la sheegay inay ku bixi doonto lacag gaaraysa 8 milyan oo Geniga isterliinka ah.