“Wasiirka Arrimaha Guduhu Waa Wasiirkayagii, Khilaaf Naga Dhexeeya Iyo Waxaannu Isku-diiddanayna Ma jiraan…” Ku-simaha Duqa Hargeysa

“Hadalkayga ugamaan socon in immika oo wakhti yari ka hadhsan yahay Imtixaanaadka Dugsiyada kala duwan ee dalka Ardayda u fadhiisanaysa lagu xidho aqoonsi…” Cabdicasiis Caga-weyne

 

Hargeysa(Berberanews):- Ku-simaha Duqa Caasimadda ahna Maayer Ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne), ayaa sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya golaha deegaanka iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.duur1CIMG01041

Maayer Ku-xigeenka Cabdicasiis Caga-weyne oo Salaasadii toddobaadkii hore shir uu la yeeshay Ganacsatada Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay inay diyaariyeen kaadhadhka aqoonsiga dhalashada, isla markaana aan la oggolaan doonin inay Huteellada lagu seexdo aqoonsi la’aan, sidoo kalena aan Imtixaanaadka Jaamacadaha iyo Iskuullada lagu geli doonin kaadh la’aan. Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ay Idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaligu wax ka weydiisay arrintaas, ayaa sheegay in qofka isagu doonayo inuu soo qaato kaadhka ay bixiyaan dawladaha hoose u xor u yahay, cid ku qasbi kartaana jirin in Ardayda Imtixaanaadka u fadhiisanaysa la yidhaahdo soo qaata kaadhadhka aqoonsiga. Waxaanu intaa ku daray Wasiir Duur inay wadaan qorshe lagu samaynayo diiwaangelin guud oo dalka oo dhan ah, balse ay qaadanayso wakhti dhawr sano ah.

Haddaba, Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Somalilandtoday, ayaa Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa ahna Ku-simaha Maayer-ka Cabdicasiis Caga-weyne, weydiiyey hadalka uu sheegay ee Wasiirku buriyey, waxa ku kallifay iyo halka ay wax-ka qaldan yihiin, waxaanu ku jawaabay; “Horta, ma jiro wax aannu isku khilaafsannahay annaga dawlad hoose ahaan iyo Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Laakiin, waxa jirta in aannu diyaarinnay Taysarooyinkii ama kaadhadhka aqoonsiga dhalashada oo aannu waax walba ka diyaarinnay. Hadalkayguna muu ahayn mid aan ula jeeday inay qasab tahay in immika la qaato, laakiin waxaan ka hadlayey wax soo socda.”

“Hadalkayga ugamaan socon in immika oo wakhti yari ka hadhsan yahay Imtixaanaadka Dugsiyada kala duwan ee dalka Ardayda u fadhiisanaysa lagu xidho aqoonsi ama immika laga bilaabo lagu seexdo Hudheellada Taysaro, laakiin waxa weeye qorshe soo socda oo nabadgelyada lagu sugayo, diiwaangelin guud oo dalka oo dhan laga samaynayo ayaanay Wasaaradda Daakhiligu waddaa. Wasiirka arrimaha guduhu waa Wasiirkayagii oo waxa naga dhaxaysa wada-shaqayn, waa Wasaaradda aannu shaqo ahaan hoos-tagno, khilaaf naga dhexeeya iyo waxaannu isku diiddannahayna ma jiro, wax walibana waa sidaa uu Wasiirka arrimaha guduhu Maxamed Nuur Carraale (Duur) u sheegay.” Sidaa ayuu yidhi Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo sii watay jawaabta su’aasha arrintaa aannu ka weydiinnay.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.