Kooxda Goodir Ee Gobolka Saaxil Oo U Gudubtay Ciyaarta Kama Dambaysta Ee Koobka Ciyaaraha Heerka 1-aad

Berbera-(Berberanews)-Kooxda  kubadda cagta ee Goodir ee Magaaladda Berbera  ayaa  u gudubtay ciyaarta kama dambaysta ee Ciyaaraha heerka koowaad ee Gobolka Saaxil, ka dib markii ay 2-1 ugu awood sheegatay kooxdda Tamarta.

images

 Ciyaarta ayaa ku bilaabantay jawi degan, waxaanay bilaabantay  4:30 PM.

Daqiiqaddii 15-aad ayaa Kooxdda Goodir ay u suuro-gashay goolkoo koowad , waxaana u saxeexay Ciyaaryahanka lagu magacaabo  Abokor Cilmi (Cimaaro).

 

Kooxdda Tamarta ayaa ka dib la timid goolkii barbaraha, waxaana u saxeexay Ciyaaryahanka Cabdiqaadir Xasan Ibraahim (Nigiro), waxaanay  Ciyaartu ay ku soo gabo-gaabowdday qaybtii hore 1-1.

 

Markii la isku soo nastay oo ay koox waliba la  soo tashatay  Macalinkeeda ayaa waxay Ciyaartu ku bilaabantay isku badashay jawi kulul, taas oo ay koox waliba raadinaysay inay keensato goolka Guusha.

 

Kooxdda Goodir ayaa keensatay goolkii guushu ay ku raacdday, waxaana u saxeexay daqiiqaddii 79-aad Ciyaaryahanka lagu magacaabo Cawil Basbaas.

 

Kooxdda Goodir ee Gobolka Saaxil ayaa u gudubtay ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Ciyaaraha heerka koowaad , waxaana  la sugayaa labada kooxood ee Haamaha Shidaalka  iyo Dawlada Hoose, kuwaas oo Kooxddii soo baxdda ay iskugu iman doonaan Ciyaarta kama dambaysta ee Koobka.