Natiijooyinka Doorashada Degaanka Qaar ka mid ah Degmooyinka oo lagu Dhawaaqay

 
Hargeysa-(Berberanews)- Toddoba degmo oo ka mid ah 21-ka degmo doorasho ee Somaliland ayaa maanta la shaaciyey natiijada ka soo baxday doorashadii dalka ka qabsoontay 28-kii bishii inaga tagtay iyo weliba tirada kuraasta ururrada/xisbiyadu kala heleen.


Degmooyinka lagu dhawaaqay oo ay ka mid yihiin Baki iyo Saylac oo ka tirsan Gobolka Awdal, Caynaba iyo Xudun oo ka mid ah Gobolka Sool, Oodweyne oo ku tirsan Togdheer, Sallaxley,  Ceel-afwayn oo ka mid ah Sanaag iyo Sheekh oo ka tirsan Saaxil, waxa sida ka muuqata kuraasta ugu badan isku darkooda ku guulaystay xisbiga talada haya ee KULMIYE, halka ururrada kalena isku dhadhaw yihiin.
Haddaba, degmooyinka la tiriyey iyo sida ururrada/xisbiyadu u kala heleen kuraastu waxay kala yihiin sidan;

Natiijada Sallaxley

1-Kaalinta koowaad Xisbiga Ucid oo helay 5 Kursi

2-kaalinta Labaad Xisbiga Kulmiye oo helay 3 Kursi

3-Kaalinta sadexaad Ururka Xaqsoor oo helay  2 Kursi

4-Kaalinta Afraadna Ururka Wadani oo helay 2 Kursi

5-Kaalinta Shanaadna Ururka Rays oo helay 1 Kursi,

Labada urur siyaasadeed ee Umadda iyo Dalsan ayaan wax kuraasa ka calafsan degmada sallaxley.
1. Natiijada Degmada Baki:
Kulmiye = 5 Kursi Wadani = 4 kursi Umada = 2 Kursi Xaqsoor =1 Kursi Dalsan = 1 Kursi Ucid= 0 kursi Rays=0 Kursi
2. Degmada Caynaba:
1. Kulmiye = 6 kursi 2. Rays = 4 kursi 3. Waddani = 2 kursi 4. Ummadda = 1 kursi 5. Xaqsoor = 0 6. Ucid = 0 7. Dalsan = 0
3. Degmada Ceel-afweyn:
1. Kulmiye = 8 kursi 2. Rays = 3 kursi 3. Waddani = 3 kursi 4. Ummadda = 1 kursi 5. Ucid = 1 kursi 6. Dalsan = 1 kursi 7. Xaqsoor = 0
4. Degmada Saylac:
1. Kulmiye = 6 Kursi 2.  Waddani = 4 Kursi 3. Ucid = 3 Kursi 4. Xaqsoor = 2 Kursi 5. Ummadda = 1 Kursi 6. Dalsan = 1 Kursi
5. Degmada Sheekh:
1. Kulmiye = 4 kursi 2. Waddani = 4 kursi 3. Ucid = 3 kursi 4. Dalsan = 1 kursi 5. Xaqsoor = 1 kursi.
6. Degmada Xudun:
1. Waddani = 3 kursi 2. Ummadda = 1 kursi 3. Dalsan = 1 kursi Halka Kulmiye, Ucid, Rays iyo Xaqsoor aanay ka helin wax kuraas ah.
Haddaba, 11 degmo oo ka mid ah 21-ka degmo doorasho oo ilaa hadda la tiriyey codadkooda waxay ururradu ugu kala guulaysteen sidan:
1. Kulmiye = 42 xildhibaan 2. Wadani = 32 xildhibaan 3. Ummadda = 20 xildhibaan 4. Rays = 17 xildhibaan 5. Ucid = 12 xildhibaan 6. Xaqsoor = 12 xildhibaan 7. Dalsan = xildhibaan 9.