Weriyihii Idaacadda BBC-da ee Muqdisho Oo la sii daayay

 


 Muqdisho-(Berberanews)-Weriyaha Idaacadda BBC,laanteeda Af Soomaaliga Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa xoriyaddiisa dib u helay maanta ka dib markii uu muddo tobobaad ku dhow u xidhnaa maxkamadda Ciidammada Dawladda Soomaaliya oo ku eedaysay inuu ka faafiyay warar been abuur ah.

 Sii daynta Weriyaha waxa qayb ka ah wufuud ka tirsan Idaacadda BBC oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, kuwaasoo waan waan iyo wada-xaajood dheer ka dib ku guulaystay inay sii daayaan weriyaha.

 Maxkamadda ciidamada Soomaaliya, ayaa ayaa toddobaadkii hore xidhay wariye Ibraahim oo ay ku eedaysay  inuu ka baahiyay BBC-da warar been abuur ah oo ku saabsan xukunno ay ridday maxkamaddu, haseyeeshee Idaacadda BBC-da ayaa khamiista lasoo dhaafay raalli-gelin ka bixisay warkii ku saabsanaa maxkamadda ciidamada ee uu Ibraahim ka diray Muqdisho.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com