Ururuka UMMADDA oo ku guulaystay Kala badh kuraasta Golaha Deegaanka Oodweyne

 

Oodweyne-(Berberanews)-Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka ee degmadda Ood-weyne Axmed Ismaaciil Cawil, ayaaku dhawaaqay Natiijadda codbixintii doorashada deegaanka.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in degmadda Oodweyne ay codkooda ka dhiibteen 22,737 cod, axsaabta siyaasadduna u kala heleen 17-ka kursi ee Golaha deegaanka Oodweyne ka kooban yahay sidan:-

1)- Ururka UMMADDA waxa uu helay 8,983 cod, waxaanu ku guulaystay 7 kursi.
2)-Ururka WADDANI waxa uu helay 8,144 cod, waxaanu ku guulaystay 6 kursi.
3)-Xisbiga KULMIYE, waxa uu helay 1, 364 cod, waxaanu ku guulaystay 1 kursi.
4)- Ururka XAQSOOR, waxa uu helay 1,229 cod, waxaanu ku guulaystay 1 kursi.
5)-Xisbiga UCID, waxa uu helay 1,126 cod, waxaanu ku guulaystay 1 kursi.
6)-Ururka DALSAN waxa uu helay 1050 cod, waxaanay heleen 1 kursi.
7)-= Ururka RAYS waxa uu helay 840 cod, wax kursi ahna muu helin.