Kuwait oo dooranaysa Baarlamaan cusub, iyo Hanjabaado ka soo yeedhaya Mucaaridka

Kuwait-(W/wararka)-Qabanqaabadii ugu dambeysay ee ammaanka ayaa ka socota goobaha codbixinta ee gudaha iyo hareeraha magaalada Kuwait. Iyadoo dadku isu-diyaarinayaan inay markii 2aad sanadkan codkooda dhiibtaan.

Xubnaha akhwaanul muslimiinka, hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka iyo xooggaga liberaalka ah ee afkaartoodu furfuran tahay waxay qorsheeyeen muddaharaad ka horreeya watiga doorashadu soo gelayso kaas oo ay sheegayaan in loola jeedo in farriin loogu diro hoggaanka dalka.

Waxay dadkani ku adkaysanayaan inaan lagu khasbi doonin hab siyaasadeed xagga sare wax looga yeedhiyo. Codbixintu waxay timid iyadoo dhowaan ay dalka ka dhaceen muddaharaadyo horseeday iskudhac xoog leh oo dhexmaray ciidammada ammaanka iyo dadka muddaharaadka dhigayay.

Amiirku waxaa uu sheegay in isbeddelka lagu sameeyay qaanuunka doorashada uu lagama maarmaan u ahaa wax uu ugu yeedhay midnimada qaranka laakiin mucaaradku waxay isbeddelkaas ku tilmaameen inqilaab ka dhan ah dastuurka.
Maanta muddaharaad ka dhacay xeebta ku taal ka soo horjeedka dhismayaasha dhaadheer e Kuwait caanka ku tahay, waxay dadku ku baaqayeen isbeddel in la sameeyo.

Kuwait waxay leedahay mid ka mid ah hababka siyaasadda ee ugu furfuran waddammada Khaliijka Carabta iyadoo uu dalkaasi leeyahay baarlamaan la soo doortay oo leh awoodo sharci dejineed.
Si kastaba ha ahaatee, Amiirka 83 jirka ah ayaa isagu leh g’aanka ugu dambeeya ee arrimaha maamulka dalka.

Sanadkan baarlamaanku waxaa uu dagaal dheer oo xagga awoodda ah la galay dowladda oo ay u badan yihiin qoyska dalka Xukuma ee reer Al Sabaax.
Ilaa iyo hadda Kuwait way ka nabad gashay saameynta kacdoonka Carabta.
Doorashada maanta waxay tijaabo dhab ah u tahay sida Kuwait ay maareyn karto xasilinta arrimaheeda siyaasadda iyo bulshada.