“Ciidamada ahlusunna waxay ka mid yihiin kuwa Qaranka Soomaaliyeed,” Kooxda Ahlusunna oo ku biirtay Dawladda

Muqdisho-(Berberanews)-Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo ka mid ah kooxaha dagaallada kula jiray Al-shabaab iyo dawladda, ayaa maanta ku dhawaaqay inay si rasmiya ugu biireen dawladda cusub ee Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusuna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa sheegay in maadaama dalku ka baxay xilligii kumeelgaadhka ay go’aansadeen inay ku biiraan dawladda, “Hadii laga baxay ku-meel-gaadhnimadii waa in qof walba uu xuquuqdiisa dowladda ka helaa, ciidamada ahlusunna waxay ka mid yihiin kuwa Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Sheekh Xeefow.


Sheekh Xeefow waxa uu inta aku daray oo yidhi “Ahlusunna weligeed Al-shabaab ayay la dagaalamaysay, dowladduna dagaal ayay kula jirtay Al-shabaab; marka isku hadaf ayaan ahayn markii horeba, haddana waan mideynay hadafkeennaas,” ayuu yidhi Xeefoow.
,
Xoogagga Ahlusunna Waljameeca ayaa muddo shan sano ah waxay dagaal adag kula jirteen xoogagga Al-shabaab, iyagoo dagaalkooda uu ka billowday markii Al-shabaab ay isku dayday burburin qubuuraha culummo ay jecel yihiin Ahlusunna oo ku aasnaa degmooyinka gobolka Galguduud, taasoo ka careysiisay Ahlusunna.

Berberanews.com

info@berberanews.com