“ waxaanu baranaynaa sida xor loo noqdo” Maxammed Mursi, Madaxweynaha Masar.

Berbera(Berberanews):- Madaxweynaha dawladda Masar Dr Maxammed Morsi ayaa si aada ugu adkaystay una difaacay goaankiisii uu awoodiisa ku kordhistay. Waxana uu shegey inuu goankaasi meesha ka bixi doono marka dalkku uu yeesho dastuur
Isagoo u waramayay wargays kasoo baxay Maraykanka ee the time ayaa uu yidhi “ anagu wax baanu baranaynaa, waxanu baranaynaa sidii aanu xor u noqon lahayn, arrintan weligayo hore umaanaan arag, waxanu baranayna sidaanu iskugu ictiraami lahayn fekeradayada kala duwan, sidii aanu u yeelan lahayn dad cod ku guulayta iyo kuwo laga guulaysto”
Waxana uu intaasi ku daray “ marka aanu yeelano dastuuro, dhammaan wixii aan todobaadkii hore sheegey meesha ayay ka bixi doonaan”
Mar la waydiiiyey, mucaaridku inay ku sifeeyaan inuu yahay fircoonka cusub, waxa uu uga jawaabay isagoo qoslaya, oo la yaaban“ maanigaa ah fircoonka cusub, anigu waxan ogahay in xilku meerto yahay, waxaanan ahay madaxweyne la soo doortey”
isaga oo intaas raaciyey “ masuuliyaddaydu waa in aan ilaaliyo doontan reer Masar oo dhani saaranyahay xilliga kala guurka, arrinkanina ma fududa, masaaridana way ka goantahay inay ku socdaan dariiqada caddaaladda iyo dimuqraadiyadda”
Berberanews.com
Wararka Bariga Dhexe