Ururka Suxufiyiinta SOLJA Oo cambaareeyay warar aan rasmi ahayn oo warbaahinta qaarkood ka qoreen natiijada Doorashada Deegaanka

Hargeysa-(Berberanews)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyay warar aan rasmi ahayn oo qaar ka mid ah saxaafadda Somaliland ka qoreen natiijada Doorashada Deegaanka ee doraad dalka ka qabsoontay oo aan weli si rasmiya Komishanku u shaacin.
Ururka SOLJA waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu caawa soo saaray Xoghayaha Guud ee Ururkaasi Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, waxaanu u qornaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja wuxuu canbaaraynayaa warka natiijada hor dhaca ah ee uu ka qoray wargayska YOOL doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee doraad ka dhacay dalka cadadkiisii maanta soo baxay ee sumadiisu ahayd jimce 30/11/2012 cadadka 411 vol ;4 .warkaas oo ahaa warka koowaad ee wargayska oo uu ku sheegay in sadexda xisbi ee soo baxay kala yihiin kulmiye, Waddani iyo rays arintaas oo ka hor imanaysa anshaxa saxaafada iyo dhammaan shuruucda dalka ee doorashooyinka ee xaqa u siinaya gudiga doorashooyinka qaranka inay natiijada ku dhawaaqayaan iyagu iyo khalkhal galinta amniga guud ee Somaliland.

Sidoo kale mar aanu la xidhiidhnay gudoomiyaha wargayska yool maxamed cabdi curad wuxuu noo sheegay inuu magaalada ka maqan yahay oo uu raaligelinayo dhamaan ururada iyo xisbiyada somaliland ,gudida doorashooyinka iyo dhamaan shacbi waynaha codkooda dhiibtay talaabona ka qaadi doono tifaftiraha wargayska iyo dhamaan cidii kale ee warkaa ka masuulka noqota,Dhinaca kale ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu canbaaraynayaa wararka hor dhaca ah ee shabakada hadhwanaagnews ay ilaa shalay ka qoraysay doorashada golayaasha deegaanka ee ay ka midka yihiin
1-Musharaxii ugu codka batay gobolka maroodi jeex oo noqday musharax xaqsoora oo shalay ay qortay shabakada hadhwanaag.
2-War deg-deg ah:- Guddida Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqay Natiijooyinka Codbixinta Ee Degmadda Baligubadle Iyo Urur SiyaasadeedkaXaqsoor Oo Hogaaminaya,warkaas oo maanta ay baahisay shabakada hadhwanaagugu danbayn wuxuu ururka solja canbaaraynayaa wargayska yool iyo shabakada hadhwanaag ee wararka hor dhaca ah ka qoray natiijada doorashada golayaasha deegaanka iyadoo galabta gudiga doorashooyinku bilaabeen tirinta codadkii gobolka maroodi jeex.”
Berberanews.com
info@berberanews.com