Codbixinta Doorashada Oo Si Nabadgelyo ah Uga Bilaabantay Gobolada Somaliland, Muuqaalka Ku Hareeraysan Goobaha Codbixinta Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay.Warbixin

Hargeysa-(Berberanews)-Codbixinta ayaa guud ahaan si nabadgelyo ah u bilaabantay Gobollada Somaliland oo dhan , marka laga reebo degmada Lughaya oo haweenay ku dhaawacantay. kadib markii uu rasaas furay askari booliska ah.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa codkiisa ka dhiibtay saaka xarunta Huteelka shaqaalaha, iyadoo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.iyo Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.


Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ereyo kooban ka jeediyay halkaa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashadda deegaanku dalka uga qabsoonto si nabadgelyo ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,
“Saaka codkii aan xaqa u lahaa ayaan ka dhiibtay goobtan. Inshaalaahu Tacaalaa waxaynu rajaynayaa in Illaahay ummaddeena iyo dalkeena guul uga dhigo doorashada” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Xamari, ayaa isaguna tafaasiil ka bixiyay qaabka ay doorashadu uga bilaabantay dalka waxaanu yidhi “Doorashadu si wanaagsan ayay goob kasta uga socotaa dalka oo dhan, subaxnimadda hore ayay yara jirtaan inay dadku ku yara dawakhaan oo ay kala garan waayaan goobihii. Tusaale ahaan goob aanu doorashadii hore lagu qabtay oo masalan Meherad laga dhigay ayaanu meelo sakadi u dhaxayso goobtii u rarnay. Markaa waxa suurto gal ah inay dadka qaarkood ay yara daydayaan dadkii codka ka dhiibanayay ama kuwii ka shaqeynayayba. Markaa inta hore ayaa la isku yara meeraystaa abaarro 8:00 subaxnimaba si wanaagsan ayay hawshu way iska kala miirantay.”

Guddoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray in doorashadu si wanaagsan uga qabsoontay dalka waxaanu yidhi “Gobol walba, goob walba iyo degmo walba si wanaagsan ayay codbixinta doorashadu uga socotaa. Markaa waxa jira meelo aanu ka joojinay codbixinta sababo amni waxaanu doonaynaa inaanu qofna waxba ku noqon waayo nafta Bini’aadmigu waa qaali. Badhan iyo Dhahar koox ayaa damacday inay wax khal-khaliso oo jidgooyooyin galay. Dabeedna waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu ka joojino doorashada iyadoo waliba labada degmaba ay dadweynuhu doonayeen doorashada iyo inay codeeyaan.”

Md. Ciise Xamari oo u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in natiijadda doorashada goob walba lagu tiring doono isla goobta, waxaanu tilmaamay inay rajaynayaan inaanay hal todobaad ka badan shaacinta natiijada guud ee doorashaddu.

Ku Noqnoqshada Codbixiyayaasha

Gobollada qaarkood waxa laga soo werinayaa ku noqnoqashada codbixinta doorashada deegaanka oo dadka qaarkood dhawr jeer meelo kala duwan ka codaynayaan, taasoo ay u suurtagelisay caalamadda Komishanku u isticmaaleen dadka codkooda dhiibanaya oo si sahlan laysaga maydhi karo.

“Waxan codeeyay sadex jeer oo aan laba qof oo kala duwan oo laba Urur ka kala sharaxan u codeeyay, welina waxaan rabaa inaan sii wado ilaa inta aan tooban jeer codaynayo” sidaa waxa tidhi gabadh dhalinyaro ah oo ay la kulmeen koox suxufiiyiin ah oo mararay goobaha caasimada qaarkood.

Dib-u-dhaca Goobaha Codbixinta

Goobaha codbixinta magaalooyinka iyo degaamada qaar ayaa dib u dhac ku yimi xiligii loogu talagalay in la furo. Kuwaasoo ka yimi qaladaad farsamo oo dhinaca Komishanka ah iyo nambarada u gaarka ah gaadiidka dhaqdhaaqa la siiyay oo qaarkood la foojar gareeyay.

Carruur Safafka Codbixinta ku jira

Muuqaalada goobaha ayaa la arkaa inay jiraan caruur yar yar oo meelaha qaarkood safafka ku jira, caruurtaas oo u badan wiilal iyo gabdho, waxayna arrimahaa iyo kuwo kale muujiyeen in nidaamka doorashada oo debecsan iyo waraaqihii aqoonsiga ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ee meesha laga saaray ay fududeeyeen inay dadku ku noq-noqdaan codbixinta iyo inay caruurta aan sharcigu u ogolayni goobaha qaar safafka ka galaan oo ka codeeyaan.

Caasimadda Hargeysa oo Haawanaysa (madhan)

Dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka ayaa gebi ahaanba yaraaday magaalooyinka waxaana haawanaya wadooyinka waaweyn oo saxmada ahaan jiray magaalada Caasimada oo kale, mana jiran gaadiid soconaya marka laga reebo baabuur ay Komishanku nambaro gaara siiyeen, sidoo kale kumananan dadweyne ah ayaa loo daadgureeyay magaalo-xeebeedda Berbera, Gabiley iyo Burco si codkooda uga soo dhiibtaan.

Berberanews.com

info@berberanews.com