Man Unitd oo 25 Milyan Pound ku Doonaysa Laacibka Kevin Strootman

Ciyaaraha-(Berberanews)-Man Unitd, ayaa 15 milyan pound ku doonaysa laacibka PSV Eindhoven ee Kevin Strootman sannad kadib markii loogu diiday lacag dhan 10 milyan pound oo ay dul-dhigeen kal-hore waqtigan.

Wargeyska The Mirror, ayaa qoray inay PSV Eindhoven dalbatay lacag dhan 25 milyan pound, halka Man United diyaar la tahay 15 milyan, balse suurtogal tahay inay ku heshiiyaan 20 milyan pound.

Sidoo kale, wakiilka 22 jirkan ayaa ka dhawaajiyey in inkastoo laacibkani dhawaan saxeexay heshiis shan sanno ah, haddana laga yaabo inuu naadiga ka tago marka xilli-ciyaareedkani dhammaado.

Berberanews.com

info@berberanews.com