Tababaraha Jarmalka Joachim Low Oo Ka Shaki Qaba Inuu Basaas Ku Dhex Jiro Xulkiisa.

Germany (Berberanews Spots):- Germany ayaa u gudubtay wareega semi-finalka Euro 2012, lakiin qolka labiska ee xulka Manncschaft waxa uu ku jiray jawi ka duwan.
Saacado ka hor inta aanay ciyaarta bilaaban, waxaa jariirada Jarmalka ee Bild baahisay line-upka saxda ah ee tababare Joachim Low, taasoo markii danbe wada qabsatay saxaafada Isboortiga ka faaloota. Waxaana ciyaarta ka dib uu tababaraha sheegay inuu jiro basaas jooga xerada tababarka oo mas’uul ka ah in sirta line-upka ay baxdo ka hor saacado inta aanay ciyaarta bilaaban.

“Ma sharaxi karo sida liiska loo xaday. Malaha ciyaaryahan ayaa la hadlay wakiilkiisa oo isna saxaafada gaadhsiiyay” ayuu Low u sheegay Tv-ga Jarmalka ee ARD.
Low ayaa afar bedel ku sameeyay line-upkiisii hore, isagoo booskiisa weerarka ku soo bilaabay Miroslav Klose, Marco Reus iyo Andre Schurrle. Waxaana Low uu sheegay in Greece aanay la yaab ku noqonin qaabka weerarka ah ay la soo shirtageen madaama ay ka warqabeen ka hor saacado intaan ciyaartaba la gaadhin.
“Ma ahan wax fiican marka Line-upkaaga la sii baahiyo, sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan noqono xul aan la sadaalin Karin”.
Holland ayaa markii ay ka hadhay koobkaan waxa ay iyagana eeda saarayeen inuu ku dhexjiro basaas bixinaayay taatikada ay ku soo galayaan, taasoo ay ku micneeyeen inay guulo ka gaadhi waayeen seddexda kulan ee group B.
Mustafe Maxamud
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports