Maxaad Shirib ka taqaan? Q:1AAD

Suugaan waa eray kulmiyana: hawraar kastoo hannaan, habdhac iyo heenso u gaara leh. Suugaannna asal ahaan waxay ka timaaddaa hadal, hadalkana waxaa loo kala saaraa: Tix iyo Tiraab ama Hawraar iyo Hal abuur. 

Maansadu waxay u kala baxdaa qaybo badan, sida: Gabay, Guuroow, Geeraar, Jiifto, Shirib, Masafo, Saar, Buraanbur, Hees, oo  dhawr nooca ah, Hees Hawleed, Hees Ciyaareed, Hees Carruureed iyo Heesaha  cusub, ee iminka lagu  xareediyo. Suugaanta waxaa kale oo ka mid ah Maahmaahda, Murtida, Halxiraalaha iyo Hawraaraha Halqabsiga ah, ee  sida  joogtada ah loo adeegsado mid walba  xilligeeda iyo xuskeeda  gaarka ah lagu xusho.

Suugaan wuxuu Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” Maansadii “Sirta Nolosha” ku fasiray: “Suugaantu Gogol weeye” tuducdan ayaa waxay qeexday suugaani inay tahay gogol, gogolina ay tahay wax aan laga maarmin, haddana aan koobnayn oo fidsan. 

Tusaale: Dhulku waa gogol, korkiisa waxa saaranina maaha wax aragti, ogaal iyo aqoonba lagu koobi karo, sidaa awgeed, waxaa inoo caddaanaya in erayga  Suugaani la mid yahay Dhulka, oo dhulka waxaa oogadiisa saaran aan maan lagu koobi karin, Murtiyada kala duwan ee Tix iyo Tiraabba leh ama Hadal iyo Hawraarna loo adeegsado, badideedu inay isugu biyo shubanayso dedan iyo daalacanba Suugaan.

Haddii Suugaani sidaa tahay, waa wax aan laga maarmi karin, oo ku salaysan  Aadanaha noloshiisa, afkeey doonaan ha ku hadlaane, qoloba si ha u unkatoo ha u lahaato meerisyo ka duwan kuwa qolyaha kale, isaguna imaanaya hadal murtiyeysan, oo dhumuc iyo dhadhan gaar ah leh, ujeedkooda iyo dulucdooduna ha kala duwanaatee waxaa lagu tilmaama  afkeena  Soomaaliga  af suugaan  hodan ku ah.

Gabaygu waa Boqorka ama Kuruska baarkiisa ugu sarreeya suugaanta, waxaa bah wadaag la ah Gabayga  Guuroowga, labadooduba waxay ka siman yihiin Hojiska iyo Hooriska oo aan tixleyda kale la wadaagin, waxayse ku kala duwan yihiin luuqda iyo dhawaqa, inta badan xeeldheerayaasha suugaantu waxay  sheegaan inaysan  jirin  wax badan oo u dhaxeeya  labadooda.

Gabaygu dhisme ahaan miisaankiisa waxaa lagu saleeyaa inta u dhaxaysa 19 ilaa 23  alan, waase lagu kala aragti duwan yahay miisaanka Gabaygee, aan intaa uga kaaftoomo.

Gabaygu wuxuu leeyahay habdhac iyo khaafiyad u  gaara, oo uu kaga duwan yahay suugaanta kale, waxaana laga billaaba inta aan la gelin erayadan, oo looga dhigaa  gundhaad iyo dhisme:

Hooyala hooyalayeey hoyalayeey hooye, Alla hooye hooyalayeey hoyalayeey hooye aqriste, bal aan kuu tusaaleeyo labadan meeris oo midna  yahay gabay midka kalana  guuroow yahay.

Aan ku billaabo gabaygee, Abwaan Faarax Shuuriye ayaa ku gabyey:

 

Haddii dhaado gabay Maxamedow la iga dhowraayay
Ninkii xalayto soo dheelmadaan dhowr hal leeyahaye:

Bal dhallaanka wada booyayiyo araddii baa dhii leh
Waayeel dharaartii qadooy gaajo wada dhuuxday
Marti soo dhowoo naga rabtiyo duco inay dhaafto 

Intaas oo dhan baad wada dhacdaye dhimo ha noolaane

Inta Luxud laguu soo dhigdhigo la isku kaa dhaabye
Uunkii kugu dhibtooday kolkuu kala dhaqaaq joogo
Ibliis dhoof maqanaa kuugu yimid dhul iyo hoostiise
Goortaas kula dhaqaaq oo ku gee dhumucii Naareede

Ilaahayna kugu dhugay oo tay iskaga dhaafye
Dhimo oo ha noolaan shay nimaad dhaafisaan ahaye.

 

Guuroowganna waxaa tiriyey Abwaan Maxamed Gacal Xaayoow waxaa la yidhaahdaa  “Farshaxan” waana sidan:

 

Fa’dii Gabayga waayahan dhawaa  wayska faasaxaye

Inkastoo falaadh lay sawiray  way iska  feer maraye

Fange hoobalkiisii ma noqon  faansanaan jiraye

Cidna facalul khayr uma samayn ficilyo qawlkiiye

Intaan faraha ciidda u gashaday  faalkii maan dhigine

Firdi iima bixin fooxa waa lagu hagoogtaaye

Falaggiyo xiddigihii ma dhugan Fiidadawyadiiye

Fiintina ma ciyin fooridina layma maqashiine

Anigoo aleeshii firdhiyey sooma faalaline

Meeshay ku sii foorartee foodda loo geliyey

Mar haddaan farshaxankeedi jirin waa fashilantaaye.

 

Mar haddii aan fakaday waa inaan faallo bixiyaaye

Alla faxana foolxumada waa laga ducaystaaye

Faruuryahu waxay ku hadlayaan waw fac tiriyaaye

Farsamada hiddaha waa inaan fooska  ka hadlaaye

Oon farshaxanka Soomaaliyeed  wax u faquuqaaye

Hadba waxii filroonbaa indhaha lagu  fayiigaahe

Falkan quruxsan dumarkeenu waa farasamayn jiraye

Geed Mayrax laga fiiqo iyo feerashada Cawga

Aqal faraqa weyn iyo aroos  fiidkii lagu hooyo

Firaashkiyo wixii gogola ways kaga fillaayeen

Waayihii  fogaa iyo haddaan  faylka ku raaco

In farshaxanku taariikh u yahay  faciyo jiirkiine

Ayniga la fila baan murtidii  ii furfuraydaahe.

 

Mar haddaan farshaxan jirin fandhaal  dheri ma yeeshene

Farsmada harguhu  hawla badan kuma fillnaateene

Furrun iliindi saarana  faqiir kuma xarshaasheene

Falaartaba  haddaan geed birlabba fooda loo gelinin

Ninkii fool libaax kala hor tegay guul ma fillayeene

Farku  fiiqa  faallada  xantuna way fajacidaahee

Inay ficilya qawlba  xaqirtaan kama fogaataane

Farsamada  gacmuhu saw waxaan laga fursahayn maaha

Nimaan firrirna daawaynin baad  filley  u taagtaane

Maraakiibta sii foorartee firrindigleeynaysa

Diyaaraadka  faandoomka iyo filiqa  neebaalka

Maan farshaxanka lagu dhiirigelin fillanba maydaane

Hadba qoladii fahamtaa cilmiga wax uga faa’iida

 

Gabayga oo dhamaystiran halgeeyaha  hoose  guji si aad u dhegaysato.

http://www.youtube.com/watch?v=tcYVjZ36JIw

 

Sida dhabta ah waxaa laga lagama maarmaan u ah Maansada  Soomaaliyeed  in Hal eray ay ku socoto, eraygaas oo  ay qasab tahay inuu meeris walba ku jiro, Baydka meesha ay noqoto ha ka galee.

Gabayga, Guuroowga iyo Shiribka maahane inta kale waxaa gelaya meeriskiiba eray qura, halka saddexdan dambe ay tahay in eragu laba kol uu meeriska ku jiro.

 

La soco qaybaha kale ee qormada.

 

Cabdiraxiim  H. Galayr

Galayr1977@hotmail.com