Ogaysiis: Buuggii La Sugayay Ee “LEAD LIKE A LION” Oo La Soo Daabcay iyo meelaha laga helayo

Buuggan “LEAD LIKE A LION”  waa buuggii ugu horreeyey oo xikmadeenna hogaaminta ku dhisan oo ay isugu tageen khoboro caalamiya iyo kuwa maxalliya, isla markaana ay gaadhsiyeena caalamka oo dhan.

Dadka Soomaalida ah waxa lagu bartey dagaalo iyo dhibaato, laakiin buugani wuxuu suurto geliyey in hogaamiyaasha [leaders] shirkadaha aduunka ugu caansani inay ka faa’ideysataan xikmadeenna hogaaminta.  Runtii waa buug mucjiso ku noqdey hogaamiyayaasha caalamka.

Buuggan waxa qoray dad layaab leh, waa Professor Liisa Välikangas waa professorada Innovation Management of Helsinki University of Economics ahna qoraa caan ah oo ku guuleysatey abaal-marinta [Awards] maamulka [Management] ugu caansan. Waxay qortey Buug caana oo la magac baxay “Resilient Organization.” Waxay wax ku qortaa Harvard Business Review, MIT Sloan management Review.

 

Cabdi Cusmaan Jaamac, waa khabiir caan ku ah management-ga (cilmiga maamaamulka iyo maaraynta) iyo kobcinta hogaaminta. Bare sarena ka noqday ka noqdey Jaamacadaha ugu caansan Finland. Wuxuu bara ka ahaa Haaga-Helia University oo uu dhiga ka ahaa programka ugu advance ee loo yaqaana Executive MBA. Wuxuu kale oo uu bara ka ahaa Metropolia University of Applied Sciences. Wuxuu Managing Director ka noqdey Company IT ah oo Finland laga leeyahay (Eactels Ltd).

Wuxuu consultant ka noqdey shirkado badan oo caalamiya kana soo shaqeeyey ilaa 27 wadan. Cabdi Osman waa khibiir aqoon culus u leh cilmiga Technologiyada. Waxa uu  qoray articles (magaalo) badan oo ku saabsan maamulka iyo hogaaminta. Cabdi wuxuu Managing director kayahay Institute for Strategic Initiatives (ISI), www.isinit.org

Cabdi waxaa lagala xidhiihikaraa abdi.jama2@gmail.com ama abdi.jama@isinit.org. amma telfoonka: +252-2-4086549. Waxaana uu hadda ku sugan Hargeysa.

Jaak Treiman, waa lawyer caalamiya oo u dhashay dalka Estonia, laakiin degan California, USA. Jaak waa safiirka Estonia u fadhiya California.

Ciddii ku sugan Hargeysa waxay buuggan ka heli kartaa University book shop oo ku yaalla badhtamaha Hargeysa amma fooqa Orientalka qabtiisa waqooyi u jeedda.

Waxa kale oo aad ka heli kartaan Ambassador Hote iyo Maansoor Hotel. Dhammaan meelahaas isaga oo lagu iibinayo ayaad ka helaysaaa. Haddii ilaahay ka dhigo gobollada iyo dibadana dalkana waxa lagu talo jiraa ina la gaadhsiin doono.

Ha moogaanina buuggaas “LEAD LIKE A LION” oo yaan la idiinka sheekayn.