Antonio Cassano Oo La Filayo In Gacanta Loo Geliyo Maaliyada No 10 Ee AC Milan.

Italy ( Berberanews Sports):- Wararka ka soo baxaya Italy ayaa sheegaya in Antonio Cassano laga yaabo in gacanta loo geliyo maaliyada No 10 ee kooxda AC Milan.
Maaliyadan oo taariikh fiican kooxda ku leh ayaa laga yaabaa inay diyaar noqoto madaama ninka haatan iska leh Clarenece Seedorf laga yaabo inuu kooxda ka tago dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Halyeeyga reer Holland ayaa ka mid ah 10 ciyaaryahan oo AC Milan ah oo uu qandaraaskooda dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, welina kalama cada in heshiis cusub loo soo bandhigi doono.
Hadii uu kooxda ka tago markaas waxa ay maaliyada noqon doontaa mid xor ah iyadoo lagu wado inuu dhaxli doono ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga.
Cassano, oo 29 jir ah ayaa xidhta maaliyada No 99 ka dib markii uu bishii June ee 2011 ku biiray AC Milan.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports