Southampton Oo Todobo Sanno Ka Dib Ku Soo Laabaneysa Horyaalka Premier League.

England (Berberanews Sports):- Kooxda Southampton ayaa muddo 7 sanno ka dib ah ku soo laabatay horyaalka Premier League ka dib markii ay kaalinta labaad ka soo galeen horyaalka heerka labaad ee dalka Ingariiska iyagoo 4-0 kaga badiyay kulankoodii ugu danbeeyay Coventry kuwasoo horyaalka heerka seddexaad u dhacay.

Southampton ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad waxaana ay horyaalka Premier League isla iman doonaan kooxda qaaday horyaalka heerka labaad ee Reading. Southampton ayaa Premier League waxaa ugu danbeysay 2005tii.
Kooxda seddexaad ee u soo gudbi doona Premier League waxa ay ka soo bixi doontaa afarta kooxood ee wada ciyaara Plaf offs-ka, waxaana isku wajihi doona West Ham iyo Cardiff City iyo sidoo kale Blackpool v Birmingham.
Dhinaca kale waxaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyay inay heerka labaad u laabatay kooxda Wolves.
Mustafe Maxamud
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports