Bayern Oo Rikoodhayaal Kaga Talaabsatay Real Madrid Una Gudubtay Finalka Champions League.

(Berberanews Sports):-Bayern Munich ayaa u gudubtay finalka Champions League ka dib markii ay rikoodheyaal ay kaga badiyeen Real Madrid, waxaana 19ka bisha May ay garoonkooda Allianz Arena finalka kula cayaari doonaan Chelsea.
Real Madrid ayaa Bayern Munich ciyaartii caadiga aheyd kaga badisay 2-1, lakiin celcelis ahaan waxa ay noqdeen barbaro 3-3 ah, taasoo ay isla gaadheen ilaa rikoodhayaal oo 3-1 ay ku badisay kooxda Jarmalka ka dhisan.
Schweinsteiger ayaa ahaa geesigii u diray Bayern Munich finalka Champions League oo ay bisha soo socota martigelin doonaan.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dardar leh, iyadoo labada kooxood ay isku heleen fursado qaali ah, waxaana Real Madrid u suurogashay inay hogaanka ciyaarta qabtaan daqiiqadii 6aad markii rikoodhe loo dhigay uu gool u sarifay ciyaaryahan Cristiano Ronaldo.
Waxaana Bayern Municha ay isku dayday inay goolkaas jawaab ka bixiyaan iyadoo Arjen Robben uu fursad qaali ah ka khasaariyay, lakiin Cristiano Ronal ayaa u labeeyay kooxda Los Blancos oo ciyaarta ku hogaamineysay 2-0 14 daqiiqo ka dib markii ay ciyaarta socotay.
Inkastoo kubada ay inteeda badan heysatay kooxda Bundesliga ka dhisan hadana si dhakhso ah kuma aanay helin goolkii ay doonayeen inay natiijada labada lug ku barbareeyaan madaama lugtii hore ay Bayern Munich ku soo badisay 2-1.
Daqiiqadii 27aad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahan Pepe uu diilinta ganaaxa dhexdeeda ku riixay Mario Gomez, waxaana garsooraha uu tilmaamay inay rikoodhe ay tahay, Arjen Robben ayaa rikoodhadaasi u istaagay islamarkaana shabaqa ku hubsaday.
Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 2-1 oo ay Real Madrid ku hogaamineyso balse celcelis ahaan ay labada lug barbaro ka yihiin 3-3.
Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad waxa ay labada kooxood halkoodii ka sii bilaabeen kubada ku dhisneyd weerar iyo weerar celis. Iyadoo kooxda Jarmalka ay cadaadis saareysa kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain, waxaan fursad qaali ah ka khasaariyay Mario Gomez oo kubad ku helay afaafka goolka.
Waxaana ciyaar isku dheelitiran ka dib ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1, iyadoo taas micnaheeda uu yahay inay barbaro yihiin celcelis ahaan natiijada labada lug, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah si loo kala saaro.
30 daqiiqo ee lagu daray, 120 daqiiqo oo la ciyaaray Real Madrid iyo Bayern Munich waa ay ku kala bixi waayeen waxaana ay gaadhay in lagu kala saaro rikoodhe.
Real Madrid ayaa waxaa rikoodhe ka khasaariyay Ronaldo, Kaka iyo Sergio Ramos iyadoo Alonso uu ahaa ciyaaryahanka kaliya ee shabaqa ka soo taabtay goolhaye Manuel Nuer.
Kooxda Jarmalka oo seddex kigoodhe shabaqa ku hubsatay ayaa waxaa u dhaliyay Alaba, Mario Gomez iyo Schweinsteiger, iyadoo ay kigoodhe ka khasaariyeen Kroos iyo Lahm.
Bayern ayaa rikoodhayaal 3-1 ah ku badisay, waxaana finalka la ciyaari doontaa Chelsea oo xalay ka soo gudubtay Barcelona.
Sida Chelsea oo kale waxaa Bayern Munich ganaax uga maqnaan doona ciyaarta finalka Alaba, Badstuber iyo Gustavo, waxaana Bayern ay caawa u tahay habeen taariikhi ah, iyagoo indhaha ku haya inay ku guuleystaan koobkoodii shanaad ee Champions League.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports